X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Canbaareeyay Qaraxyo Xidhiidha Oo Ka Dhacay Muqdisho

Araweelo News Network

Qaraxa Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa cambaareeyey qaraxyada saaka ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo ka kala dhacay agagaaraha Warshadii hore ee Nac-naca oo fariisin u ah ciidamo ka tirsan kuwa XDS iyo qaraxa labaad ee lala beegsaday hotelka Wehliye.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado inay jiraan weli kooxo nabadda diidan, isla markaana u ooman daadinta dhiiga shacabka.

“Waxaan aad uga xumahay falalkan qaraxyada ah ee lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana ballan qaadayaa inaan xoogeena isugu geyn doono sidii aan gacan adag ugu qaban laheyn kooxahaan u ooman daadinta dhiiga shacacabka ah” ayuu yidhi, isagoo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad gaar ah siin doonto sidii looga hortagi lahaa inay falalkan sii socdaan, lana xassiliyo dalka guud ahaan.

Gabagabadii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada ay ka geeriyoodeen dadkii maanta ku dhintay qarxyadaasi, wuxuuna alle uga baryay inuu janadiisa geeyo. Sidaa waxa lagu yidhi Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Somalia.

Dhinaca kale qaraxyada ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 13 Qof, iyadoo dhaawac intaa Ka badani uu Jiro.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post