X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada

Khayre

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxaana lagu yidhi, qoraalkaa, “Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga, ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post