X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Booqday Jaamacadda Caalamiga Afrika Ee Dalka Suudaan

Araweelo News Network

Khartuum(ANN)–– Ra’iisal Wasaaraha Xu kumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo booqday xarunta jaamacadda Caalamiga Ee Afrika ee magaalada Khartuum oo ay wax ka bartaan Ardaya Soomaaliyeed ee ugu badan ee dalkaas waxbarashada u jooga, wuxuuna la  kulmay madaxda jaamacadda iyo xubno ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee ee jaamacadda wax ka barta.

Guddoomiyaha jaamacadda caalamiga ee Afrika Kamal Obeid iyo xubna kamid ah maamulka la shaqeeya ayaa Ra’iisal wasaare Khayre iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay xarunta jaamacadda, waxayna uga mahad celiyeen booqashada uu ugu tegay iyaga oo uga war-bixiyay xaaladda Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa jaamacadda caalamiga ee Afrika Iyo jaamacadaha kale ee dalkaas iyo dawladda Suudaan uga mahadceliyay taageerada waxbarasho ee joogtada ah, wuxuuna si gaar ah u xusay in Suudaan ay kamid tahay dalalkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka taageera waxbarashada kadib burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Khayre ayaa Ardayda Soomaaliyeed ee jaamacadda uga xog-waramay xaaladda dalka, rejada soo kabashada, horumarrada muuqda iyo qorshaha la doonayo in lagu laba jibbaaro dadaalada lagu soo celinayo sharafta iyo Karaamada ummadda Soomaaaliyeed, isaga oo ku dhirri geliyay in ay doorkooda ka qaataan dib u soo kabashada dalka, ayna ixtiraam iyo hab-dhaqan wanaagsan u muujiyaan shacabka iyo dawladda Suudaan.

“Waxa aad tihiin safiirradii dalkeenna, shacabka iyo dawladda Suudaan u muujiya ixtiraam, walaaltinimo, dhaqan wanaagsan, waxaa  sidoo kale la idinka doonayaa in aad ka qayb qaadtaan dhismaha iyo dib u soo kabashada dalkeenna. Aqoontiina waa in aad dadka iyo dalka Soomaaliyeed uga faa’iidaysaan” ayuu yidhi ra’iisal Wasaare Khayre.

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xarunta madaxtooyada Suudaan kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka ahna madaxa golaha wasiirrada ee dalka Suudaan Bakri Xasan Saalax oo ay ka wada hadleen xidhiidhka walaatinnimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan iyo sidii loo sii adkayn lahaa xidhiidhka.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post