X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaare Khayre Oo Booqday Askar Al-shabaab Dhaawacyo Soo Gaadhsiiyeen

Muqdisho (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqday Askar Al-shabaab dhaawacyo soo gaadhsiiyeen.


Sida lagu sheegay qoraal Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Sooaaliya oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo Nrews Network, kaas oo u dhignaa sidan:- “Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa Cusbitaalka xoogga ku booqday Askar ka tirsan xoogga dalka oo ku dhaawacmay deegaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose, iyaga oo argagaxisada ka difaacaya dhiiga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha oo maamulka Cusbitaalka xoogga ka waraystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood-hurayaasha ah ee kusoo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed dhaawacyada, wuxuuna u rajeeyay in si dhaqsa u boqsoodaan Askartii dhaawacantay, kuwii shahiidayna, wuxuu Allah uga baryay inuu Shahiidnimadooda ka aqbalo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada qalabka sida u diyaariysay qorshe daryeel caafimaad oo dhammaystiran, waxaana booqashada Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ay qeyb ka tahay dedaallada lagula soconayo xaaladda caafimaad ee dhaawacyada laguna dhiirri gelinayo ciidamada qaranka oo dhan.

Geesiyaasha dhaawacyadu kusoo gaadheen bad-baadinta qarannimada, nafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, ayaa Ra’iisal wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta, waxayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan dadaallada cawadga looga xoreynayo qaybaha ay dalka uga suganyihiin

Ra’iisal Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan soo afjaridda kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay gummaadka ummadda Soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post