X

Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilligeedu Dhammaaday Oo La Hadlay Gollaha Shacabka

Ra'iisal wasaare Rooble oo la hadlaya gollaha shacabka Soomaaliyeed Image Araweelo News Network, 10 Feb 2021.

Araweelo News Network.

#Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilligeedu Dhammaaday Oo La Hadlay Gollaha Shacabka

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday, ayaa hadal u jeediyay gollaha shacabka, kaga hadlay wax qabad uu sheegay in xukuumaddiisu qabatay.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta uga warbixiyay Golaha Shacabka ee BFS waxyaabihii u qabsoomay 100-kii maalmood ee Xukuumaddu shaqeyneysay oo ku saleysan barnaamijkii xukuumaddu horay ee uu horay Ra’iisul Wasaaruhu ula wadaagay Golaha Shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Golaha u faahfaahiyay arrimaha uga qabsoomay afarta tiir ee saldhigga u ah howlaha xukuumadda, kuwaas oo kala ah, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta Dhaqaalaha: Amniga iyo Cadaaladda iyo Horumarinta Arrimmaha Bulshada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geynayso in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin ku dhaca si xasilloon iyo hannaan la isla wada ogol yahay, si taasi u hirgashana ay laga maarmaan tahay in laga wada xaajoodo caqabadaha ku hor gudban hirgelinta heshiiskii doorashooyinka ee la gaaray 17kii Sebteembar 2020.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ay masuuliyad ka saaran tahay amniga dalka iyo ilaalintiisa, isla markaana aan qofna laga aqbalayn in uu isku dayo khalkhal gelinta amniga iyo degganaanshaha dalka.

“Qofna lagama aqbalayo in uu isku dayo qalqal galinta amniga iyo degganaanshaha dalka. Dowladnimada aan maanta haysannaa, waxay noogu fadhidaa qiime aad u weyn , waxaana waajib nagu ah in aan wada ilaashanno. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Nin aan kuu furi doonin, yaanu kuu rarin”.

Ugu danbeyn Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed isku-duubni iyo in qof kasta oo muwaaddin ahi kaalintiisa ka qaato marxaladdan kala-guurka ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post