X

Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Oo Ka Hadlay Qarax Ay Ku Dhaawacmeen Shaqaale Turkiga U Dhashay

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ku booqday Cusbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dawaynayo dhaawacyada howl-wadeennadii ka shaqaynayay dhismaha waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Dadka dhaawaca ah, ayaa khasaare kasoo gaadhay kaddib markii  maanta ay qarax la beegsadeen kooxda Al-shabaab sida uu sheegay ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna tilmaamay sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba in ay dhistaan dalka, kana xoreeyaan argagixisada.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay howlwadeennada  ku dhaawacmay qaraxaa, kuwaas oo ka shaqaynaya horumarinta dalka, sida uu sheegay.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa, waxa ka mid ah Injineerro u dhashay dalka Turkiga, wuxuuna ra’iisal wasaare Rooble uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed oo cadowga argagixisada ah ay u bartilmaamsadeen dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wadaan dalka.

“Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalka”.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Allah u weydiiyey naxariistiisa Janno walaalihii Turkiga ahaa ee ku nafwaayay falkan iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kala shaqaynayay dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xidha Muqdisho iyo Afgooye.

Ra’iial wasaare Rooble, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay xoogga saarayso daryeelka caafimaad ee halyeeyadan naftoodu u hibeeyey horumarinta dakooda.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post