X

Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Oo Helay Codka Kalsooonida Muxuu Ka Yidhi Siyaasadiisa Ku Waajahan Somaliland

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeedinaya gollaha Shacabka, si uu u weydiisto codka kalsoonida, 25 Jun 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaare Xamse Barre Muxuu Ka Yidhi Qorshihiisa Wadahadallada Somaliland

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta hortagay gollaha Shacabka, si uu u weydiisto codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabay 15-kii Jun 2022.

Ra’iisal Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud masuuliyadda culus ee uu ku aaminay, si uu uga qeyb qaato dadaallada lagu samatabixinayo dalka.

Mr. Xamse ayaa Barlamaanka ka hor akhriyay khudbad kooban oo ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumaddda uu soo dhisi doonno, sida; Amniga, Garsoorka iyo Caddaaladda, Abaaraha, Dib-u-heshiisiinta, Wadahadallada Somaliland, Dimoqraadiyadaynta iyo arrimaha doorashooyinka, Dhaqaalaha, Maamul wanaagga iyo isla xisaabtanka, qabyo-tirka iyo dhameystirka dastuurka KMG, Adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisan danta dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaadho isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.

“Waxaan noloshayda, dhinac aqoon, waxbarasho iyo mid khibradeedba kusoo kasbaday xirfado kala duwan oo aan intooda badan ugu adeegay bulshadeena Soomaaliyeed, waxaan ahaa macalin wax ka soo dhigay jaamacadaha dalka, ksoo shaqeeyay xafiisyada dawladda heer federal iyo mid goboleedba,sidoo kale waxaan kasoo qayb qaatay geeddi socodka dib-u-dhiska dalka,ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu xusay in sannadihii la soo dhaafay si dhaw ula socday xaaladda dalku ku jiray, isla markaana wax badan ka fahamsanyahay baahiyaha dadkeenna iyo caqabadaha ina horyaalla, taasoo sida uu sheegay haddii Allaha wayni ogolaado usahli doonta inuu qayb ka noqdo xalka loo raadinayno cagabadahaas”.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, taas lagu soo xuli doono aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan.

Wuxuu hadalkiisa ku sheegay in dalka u horseedi dooni xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, iyadoo laga duulayo halku-dhigga Madaxweynaha ee Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.

Dhinaca kale, kulanka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo codka loogu weydiiyay ra’iisal wasaaraha cusub waxa kasoo xaadiray 220 Xildhibaan, kuwaas oo dhammaantood codka kalsoonida siiyey.

Xubnaha soo xaadiray kulanka ee Baarlamanka markii ay codka kalsoonida siiyeen, waxa isla goobta lagu dhaariyey Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dawladda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre.

Dhankiisa wuxuu ra’iisal Wasaaruhu uga mahadceliyey xubnaha gollaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen, isagoona sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post