X
    Categories: Warar

Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Cusub Oo Kulamo La Yeeshay Dublamaasiyiin Ku Sugan Muqdisho

Araweelo News Network

#Muqdisho-(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka shisheeye u jooga Soomaaliya iyo Dublamaasiyiin kale.

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Eng. Khadar) oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka shisheeye u jooga Soomaaliya iyo Dublamaasiyiin kale, 28 September 2020. Image Villa Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha cusub oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagaga hadlay ujeedada kulankaa.

Qoraalka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa u qorsnaa sidan:-

“Ra’iisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.


Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed (Eng. Khadar) oo kulamo la yeeshay qaar ka mid ah Safiirrada dalalka shisheeye u jooga Soomaaliya iyo Dublamaasiyiin kale, 28 September 2020. Image Villa Somalia.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda M. Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisal Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisal Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda

                   

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
www.flickr.com
Youtube
Twitter:
@SomaliPM
Facebook:
OPMSomalia
instagram:
opmsomalia

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post