X
    Categories: Warar

Somalia; Qaraxyo Iyo Weerraro Khasaare Dhaliyay Oo Lagu Qaaday Huteelo Ku Yaal Muqdisho

Muqdisho(ANN)-Qaraxyo iyo weerraro wada socda, ayaa lala beegsaday Huteelo muhiim ah oo ku yaal magaalada Muqdisho, waxaa goob-joogayaal, ayaa sheegay in la bartilmaameedsaday mid ka mid ah Hoteelada ku yaalla Xeebta Liido.

Qaraxyo ayaa ka dhacay Kidinka hore ee Hoteelka Elite. Wararka qaar, ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta qoryaha darandoorriga u dhaca laga maqlayo gudaha Huteelka, iyadoo dad badan oo rayid ah iyo masuuliyiin ku sugnaayeen gudaha xilliga weerrarku dhacay.

“Waxaan maqlay qarax weyn o ka dhacay hoteelka, waxaa xigay rasaas oo aan wali maqlaya. Hawada waxaa qabsaday qiiqa qaraxa.” sidaa waxa ayuu yidhi Axmed Cali oo ah goobjooge ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay oo BBC-da la hadlay.

Shaqaalaha dowladda iyo dadka rayidka ah, ayey si aad ah u tagaan Huteelkaas iyo kuwa kale ee ku yaalla Xeebta Liido oo ka tirsan degmada Abdicasiis ee gobolka Banaadir.

Ciidanka doowlada Somaaliya, ayaa isku gadaamay Huteellada Elite iyo Dolphin oo lagu qaaday weerarrada qaraxa ku biloowday. Shaqaalaha gaadiidka gurmadka ah, ayaa Arabsiyonews u sheegay in ay qaadeen 29 Qof oo dhaawac ah.

Hase-yeeshee, illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya khsaaraha weerarka ka dhashay oo ay dowladdu soo saartay, maaddaama oo Ciidanka dowladda iyo Dagaalyahanno la aamminsan yahay inay Al-Shabaab ka tirsan yihiin, weli rasaasi ku dhex-maryo goobahaas.

Laakiin, Telefishinka dolwadda Soomaaliya ee SNTV, ayaa ku warramay in Agaasimihii xidhiidhka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cabdi uu ku dhintay qaraxa. Wuxuu sidoo kale Telefishinku sheegay inuu qaraxaasi ku dhaawacmay mid ka mid ah Sawir-qaadayaasha SNTV Maxamed Cabdi Xuseen.

Dad badan baa lagu warramayaa inay ku xanniban yihiin weli gudaha Huteelladaas, halka dad kooban laga soo saaray Huteellada weerarka lagu qabsaday, waxaa ka mid ah dadka la soo badbaadiyey Xoghayaha guud ee Ururka isku-xidhka Suxufiyiinta Soomaaliya Maxamed Ibrahim Macallimaw.

Xigasho: Aftahannews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post