X

#Somalia: Qarax Lala Beegsaday Taliyaha Booliska Xijaar Iyo Xildhibaano Oo Sababay #Khasaare

Araweelo News Network.

Afhayeenka Xukuumadda Oo Ka Hadlay Qaraxa

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay qarax lala beegsaday caawa fiidkii Huteel ku yaal xeebta Liido, kaas oo ay ka afurayeen xildhaano iyo saraakiil dawladda ka tirsan, waxana la maqayay qaraxa iyo tacshirado rasaas ah.

General Cabdi Xasan Maxamed (Gen. Xajaar) , Image File Araweelo News Network.

Qof is miidaamiyay, ayaa sababay qaraxa, waxaana la rumaysan yahay in lala beegsanayay Taliyaha Booliska dawladda Federaalka ee Soomaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Gen. Xajaar) oo xilligaa ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay, wallow ay xildhibaano iyo saraakiil kale ku sugnaayeen huteelka xilliga qaraxu dhacay.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda oo la xidhiidha khasaaraha qaraxaa, balse waxa jira warar hordhaca oo sheegaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Hase yeeshee Afhayeenka Xukumadda Federaalka ee Soomaliya, Maxamed Ibraahim Macalimow, ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay Boggiisa Facebook kaga hadlay qaraxa.

“Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan.”

Dhinaca kale, wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmay Taliyihii Booliska Degmada Cabdicasiis , Liibaan Shidane oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa huteelka Liido ee qaraxu ka dhacay. Laakiin sarakiisha amaanka iyo xukuumadda Federaalka ah ayaan weli faahfaahin rasmi ah ka bixin.

Magaaladda Muqdisho, ayaa qaraxyada iyo dilalka qorshaysan caadaysatay, kuwaas oo inta baddan ay sheegtaan kooxda Al-shabaab ee dagaalka kula jira xukuumadda Federaalka iyo ciidamadda AMISOM eek u sugan Somalia, iyadoo xilliyada billahan oo kale ay xoojiyaan Al-shabaab weerrarada isqarxinta iyo dilalka qorshaysan, waxayna xilligan dilalka qorshaysan iyo qaraxyadu kusoo beegmayaan xiisaddaha ka aloosan doorashooyinka dadban ee jiitamayay sannadaha oo aan weli la dhamaystirin.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post