X

#Somalia Oo Ku Guulaysatay #Dacwadda Badda Ee Ay #Kenya Ku #Muransanaayeen

Araweelo News Network.

 

Netherland(ANN)-Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC,, ayaa ku dhawaaqday go’aanka dacwadda Badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo socday muddo dhawr sannadood ah, kaddib markii ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya u gudbisay  dacwaddaa 2014,  maxkamadda ugu sarraysa Qaramada Midoobay ee ka shaqeysa murannada xudduudaha ee  u dhexeeya dowladdaha.

Haseyeeshee Maxkamadda ugu saraysa ee Qaramada Midoobay ayaa Salaasadii si weyn u taageertay Soomaaliya murankii soo jiitamay ee ka dhaxeeyay Kenya, iyadoo xadka badda ka dhigtay qeyb ka mid ah Badweynta Hindiya oo la rumeysan yahay inuu hodan ku yahay saliida iyo gaasta.

 

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxay sheegtay in xukunkaas ka dhashay naf hurid iyo halgan uu sameeyay waddanka ku yaalla geeska Afrika.

 

Go’aanka ayaa dhigaya in la khaydo Xuduud cusub oo ay soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah, kaas oo noqonaya mid Cadaaladda aad ugu dhow oo noqonaya xarriiq ay Soomaaliya soo jeedisay, maadaama ay biyaha murranku ka jiray ay yihiin meelaha loo aaneynayo dhowr goobood oo saliidda badda ah oo ay Kenya sheegatay, xilli ay ka faa’idaysanay burburkii dawladdii Soomaaliya iyo awood la’aanta maamulada dawladdeed ee laga yagleelay Soomaaliya.

 

Dacwadda ICJ, oo sidoo kale loo yaqaan Maxkamadda Adduunka, waxay khusaysay muran xuduudeed oo ka badan 100,000 sq km (ku dhawaad 40,000 sq mayl) oo dhulka badda ah oo ay labada dalba sheegteen.

 

Xudduuda Badda ee dib loo eegay oo ku taal aagagga dhaqaalaha gaarka ah ee loogu talagalay goobbaha dhaqaallaha qaarada ee Soomaaliya iyo Kenya, ayaa laga gaadhay oo xal loo siman yahay”, sidaa waxa yidhi, garsoore Joan Donoghue, oo ka mid ah garsooyaaasha Maxkamadda Aduunka ee ICC.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post