X

Somalia Oo Guuldaro Kasoo Waajahday Shirka Midawga Afrika

Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Shirka Midawga Afrika oo ka socda caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa loollan adag kaddib tartan loo galay xubinimada goollaha Amniga oo ka kooban 15 xubnood lagu kala guulaystay.

Gollaha fulinta Midowga Afrika oo ay metelayaan wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midawga Afrika, marka laga reebo dhawr dal oo xaaladdo inqilaab hadheeyeen, isla markaana la saaray calaad cas.

Tartanka xubinimada waxa ku loolamay dalalka xubnaha ka ah gollaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika , waxaana Soomaaliya iyo Djibouti oo ku loolamay kursiga ka mid ahaanshaha gollaha ku guulaystay dalka Djibouti.

Dalka Djibouti, ayaa helay c 19 Cod, halka Soomaaliya ay heshay 13 Cod, taas oo dalka Djibouti ka dhigaya inuu xubinimadaa gollaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika 2022-2025.

Ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo Soomaaliya u metelayay shirka, ayaa la kulmay guuldaro kasoo waajahday loollankaa.

Dhinaca kale, Shirka oo lagaga hadlayo arrimo xaasaasi ah oo qaarkood ay si weyn durba u muujiyeen xaasaasiyad, ayaa la filayaa in arrimaha qaar laysku maandhaafo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post