#Araweelo_News_Network.

 

Muqdisho(ANN)-Dawladda Federaalka ee Somalia ayaa Awaamiir culus kusoo rogtay Shirkaddaha gaarka loo leeyahay iyo ganacsiyada ka hawlgala Somalia, kuwaas oo lagu amray inay si degdeg ah u fuliyaan.

 

Tallaabooyinka dawladda Federaalka ee Somalia iyo awaaniirta Shirkaddaha ganacsiga, ayaa timi maalmo kaddib markii dawladda Somalia todobaadkii hore ku amreen inay Shirkaddaha Diyaaraddaha ee Fly Dubai iyo Ethiopian Airline ee ka hawlgala Somaliland aannay  isticmaalin magaca Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo markii Xukuumadda Somaliland ka hadli weyday khu khasbanaaday inay u hoggaansamaan awaamiirta dawladda Federaalka ee Somalia.

Sidoo kale, dawladda Somalia ayaa maanta soo saartay awaamiir kale oo ku waajahan Shirkaddaha ganacsiga ee ka hawlgala Somalia.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ganacsiga Somalia, ayaa muddo cayiman loogu Qabtay Shirkaddaha iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay  inay u hoggaansamaan awaamiirta.

Qoraalka oo dhammaystiran halkan ka eeg