X

Somalia: Mucaaradka Oo Qaramada Midoobay U Diray Qayladhaan

Security Council, Image Araweelo News Network File

Araweelo News Network

 

#Somalia: Mucaaradka Oo Xulufaysanaya Maamul Gobolleedyada qaarkood oo  Qaramada Midoobay U Diray Qayladhaan

#Muqisho(ANN)-Kooxda siyaasiyiinta Mucaaradka ee la baxay Madasha badbaado qaran oo ay weheliyaan madaxda maamul gobolleedyada #Soomaaliya ee  #Puntland iyo #Jubaland ayaa fariin u diray gollaha ammaanka ee (Security Council) Qaramada midoobay oo la filayo in ay kulan ka yeeshaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee cakiran.

Somalia: Qaraarka Mudda Kordhinta Baarlamaanka Ee Qorshaysnaa Digniinta Mucaaradka Iyo Dhawaaqa Farmaajo

Qoraalka ayay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan muddo kordhintii Gollaha Shacabka Soomaaliya ee Baarlamaanku ugu kordhiyeen xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddo laba sanandood ah, kadib markii uu dhamamaday xilligeedii sharciga ahaa February 2021.

 

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka oo ay ku korodhsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sannadood, waa waxba kama jiraan, wuxuu khatar ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed ayaa lag yidhi” Qoraalka ay kooxdu u dirtay Qaramada Midoobay golleheeda amaanka.

Somalia: Hoggaamiyayaasha Siyaasada Oo Sii Wata Go’aankooda Khilaafka Iyo Fashilka Shirka

Sidoo kale, waxay ku xuseen in Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ay natiijo la’aan ku dhamaadeen, kadib markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, isla markaana aannay wax natiijo ah oo laysku raacay kasoo bixin.

Qoraalka ayay dalbadeen in laga akhriyo kulanka gollaha amaanka ee Qaramada Mdoobay, waana markii labaad ee ay sidan oo kale kooxda la baxay siyaasiyiinta mucaaradka madasha badbaado qaran qoraal sidan oo kale ah iyo qaylo dhaan u diraan qaramada Midoobay iyo meelo kale.

Qoraalka oo dhamaystiran halkan ka eeg.

 

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com.

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post