X

Somalia: Mucaaradka Madaafiic Lagu Garaacay Garoonka Diyaaraddaha Ku Eedeeyay Xukuumadda Xilligeedu Dhammaaday

Araweelo News Network.

“Laba Madaxweyne oo hore iyo Guddoomiyihii hore Baarlamaanka ayaa huteelka lagu weerary, Waxa la doonayay in La khaarajiyo, Annagana waa arkayseen.” Xasan Khayre ra’iisal wasaarihii hore.

Muqdisho(ANN)-Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa hakad galay, kaddib markii sanqadha magaafiicda laga maqlay gudaha garoonka.

Madaafiicda ayaa geystay khasaare sida ay sheegayaan hoggaamiyayaasha mucaardka oo ku doodaya in iyaga lagu waday rasaasta iyo mdaafiicda galay gudaha garoonka ee gubay, iyagoo ku eedeeyay xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya in ay u adeegsatay hubka culus si ay u kala erido mudaharaadka ay maanta isugu soo baxeen.

Si dhab ah looma ogga khasaaraha  dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda haleelay garoonka diyaaraddaha ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna dhacdadaasi kusoo beegantay  xilli agagaarka hotelka Jasiira oo ku dhow garoonka uu ka socday mudaharaadka ay dhigayeen taageeyaasha mucaaaradka,  kuwaas oo rasaas lagu kala caydhiyay.


Muharaadka oo ahaa mid hubaysan, waxa xallay ku baaqay hoggaamiyayaasha ku bahoobay madasha murrashaxiinta, waxaana hoggaaminayay ra’iisal wasaatihii hore Xasan Cali Khayre iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Labada hoggaamiye iyo xubno kale oo ku weheliyay mudaharaadka, ayaa markaa kaddib saxaafada kula hadlay Huteelka Jaziira, waxayna xukuumadda ku eedeeyeen in iyadoo waqtigeedii dhammaaday ay doonayso in xoog ku haysato dalka, taas oo ay sheegeen in aannay ahayn mid suurtagal u noqonay Farmaajo.

“waxad ogaydeen xalay in Huteel lagu weeraray, iyadoo la rabo in la dilo, laba madaxweyne oo hore Xasan Sh. Maxamuud ,Shariif, iyo Guddoomiyihii Baarlaamanka ee Soomalaiya, waxaa ka danbeeyay in rasaas annaga naloo adeegsaday annagoo dareenkayaga cabirayna, waxaase nasiibdaro ah in isha keliya ee dhaqaale ee dalku lahaa rasaastii iyo madaafiicdii annaga nalagu waday ay haleeshay oo ay noo dhaaftay Madaarka oo gubayana maanta.|” ayuu ydihi, Xasan Cali Khayre oo isaga iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur warbaahinta la hadleen markii lasoo kala caydhiyay mudaharaadkii ay hoggaaminayeen.

“Mudaaraadku wuuu soconayaa ilaa ina Farmaajo uu ka  baxo oo xilka ka dego, dadkan Ethiopian ayaa cabsiin waayay, aragagixisaa cabsiin weyday, waxaan leeyahay, waad ka baxaysaa ina Farmaajo.” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu sheegay in ay weli fursad haystaan dhalinyarada xabada kusoo riday, isagoo ula jeeda ciidamada kala caydhiyay mudaharaadka, wuxuuna ugu baaqay in isa soo dhiibaan.

“Xabad xabad ayaan u naqaan wiilasha joogay kaantaroolada aan maraynay, ee nasoo bxabdeeyay, weli waxay haystaan fursad ay ku toobad keenaan, oo ay keli taliska amarkiisa ku doodaan, oo dadkooda soo raacaan oo uhiiliyaan dastuurka iyo dumuqraadiyada, laakiin ninka aan fursada ahysan waa jeligii taliye Farmaajo.” ayuu yidhi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhinaca kale, wararka ayaa sheegaya in shirkadda dayuuradaha Ethiopian Airlines oo insha haysay xaaladda ay iyadu gebi ahaanba maanta joojisay duulimaadkii ay ku iman lahayd garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo ka wer wersanayd xaaladda amniga ee magaalada Muqdhsho.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post