X
    Categories: Warar

Somalia: Maxkamadda Ciidammada Oo Dil Toogasho ku Xukuntay Dilaaga Suxufiyiinta Soomaaliya

Araweelo News Network

Mogadishu (ANN) Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka maamulka Muqdisho, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji oo kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dilal lagu khaarajiyey in ka badan shan weriye oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka hawlgala dalka Soomaaliya.
Dilaa Xanafi oo mudd sannad ka badan u xidhnaa Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya, waxa maxkamadda oo xukunkiisa ku dhawaaqday shalay sheegtay in lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin; masuuliyadda dilal qorshaysnaa oo gudaha magaalada Muqdisho loogu geystay tiro weriyeyaal ah.
“Waxaa Maxkamadda la horkeenay caddeymaha dambiyadii lagu soo eedeeyey Xanafi, isla markaana horyimaaddeen Maxkamadda markhaatiyaal ku marag-furay, sidaa darteed waxay maxkamaddu ku xukuntay Xasan Xanafi Xaaji dil toogasho ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) oo ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday dilaaga suxufiyiinta Soomaaliya.
Sidoo kale, Col. Shuute ayaa xusay in Xanafi ku caddaatay inuu ka dambeeyey toogasho waqtiyo kala duwan lagu khaarajiyey weriyeyaal la kala odhan jiray;
1. Mahad Axmed Cilmi oo la dilay 11 September, 2007
2. Cali Iimaan Sharma’arke oo la dilay 11 September, 2007
3. Saciid Tahliil Axmed oo la dilay 4 February, 2009
4. Mukhtaar Maxamed Hiraabe oo la dilay 08 June, 2009
5. Sheekh Nuur Abkeey oo la dilay 4 May, 2010.
Xukunka lagu riday Xasan Xanafi ayaa ku soo beegmay xilli dilaagani waraysi uu sii idaacadda Radio Muqdisho toddobaadyo ka hor ku sheegay inuu masuul ka ahaa dilkii weriye Sheekh Nuur Abkeey, balse aanay lug ku lahayn suxufiyiinta kale ee toogashada lagu dilay.
Waxa kaloo Xanafi uu wareysigaas ku sheegay in kooxda Al-shabaab u yaqaanaan suxufiyiinta oo dhan dad riddoobay  oo diinta islaamka ka baxay, uguna xukuman yihiin dil, isagoo sidoo kalena qirtay in uu wax ka ogaa dilalka weriyeyaasha kale ee lagu eedeeyey inuu dilalkooda lug ku lahaa.
Dilaaga Xanafi la xukumay waxa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya bishii August ee 2014-kii, waxana Nabad-sugidda Soomaaliya lagu wareejiyey dhammaadkii sannadkaas, waxaannu tan iyo xilligaas ku xidhnaa mid ka mid ah xabsiyada sirdoonku ku leeyihiin Muqdisho.
Ma aha markii ugu horreysay oo xukunno noocan oo kale ah maxkamadda ciidammada Soomaaliya ku riddo xubno lagu xidhiidhiyey inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, waxana jira maxaabiis kala duwan oo arrimahaas oo kale ugu xidhan meelo kala duwan.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post