X

Somalia: Maxay Ka Wadahadleen James Swan Iyo Ra’iisal Wasaare Barre

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, 8 August 2022, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha labada masuul ayaa ka wadahadlay arrimaha amniga iyo wadashaqaynta xukuumadda cusub iyo qaramada midoobay.
kulankaa oo ka qabsoomay xafiiskiisa ra’iisal wasaaraha, ayaa sidoo kale Ergayga gaarka ah ee Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ay kaga wadahadleen xoojinta taageerada hay’addaha QM ay siiyaan Soomaaliya.

Qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in James Swan ugu hambalyeeyey Ra’iisal Wasaaraha, ansixinta xukuumadda iyo barnaamijkeeda oo shalay ay meel mariyeen Gollaha Shacabka, isagoo dhinaca kale xaqiijiyyay sida ay uga go’an tahay hay’addaha QM in ay xoojiyaan taageeradooda.

Labada masuul ayaa sidoo kale, isla soo qaaday arrimaha ammaanka, abaarraha ka jira dalka oo lagu wajaho gurmad midaysan iyo sidii la isu waafajin lahaa taageerada saaxiibada caalamiga ah iyo qorshayaasha dowladda mudnaanta u leh.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay kulankaa

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post