X

Somalia: Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisal Wasaaraha Iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Iyo Qaybaha Bulshada Rayidka Ah

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr. Cabdinaasir Cabdulle Maxamed, Araweelo News Network, 7 Jan 2021. Image Villa Somalia

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo wadatashi la yeeshay siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ee sida weyn uga soo horjeeda xukuumadda.

Sidaana waxa lagu sheegay war-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Kulanka, ayaa ahaa mid albaabada loo xidhay oo saxaafadu aannay goob-joog ka ahayn, balse markii kulanku soo dhammaaday, waxa qoraalka kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay waxyaabaha ay ra’iisal wasaare rooble iyo siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada ka wada hadleen.

 

“Maanta waxaan xafiiskayga ku qaabilay siyaasiga Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo aan ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo sidii dalka horumarkiisa wadajir loogu sii amba qaadi lahaa, waxaana is dhaafsanay tallooyin wax dhisaya, xafiiskayguna waa furan yahay cid walba oo tabasho qabta”. Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay kulankaa.

Rooble ayaa u caddeeyay bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho ku dhacda waqtigeeda, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay wax walba tabasho ah in wada xaajood lagu dhammeeyo.

Sida lagu sheegay qoraalka ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in nabadgelyada dalku ay tahay masuuliyad guud oo wada saaran siyaasi iyo shacab, loona baahan yahay in la wada ilaaliyo.

Dhinaca kale, ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka wada hadlay qabsoomidda doorasho daah-furan oo si nabdoon ku dhacda, xallinta tabashooyinka la xidhiidha arrimaha doorashada iyo in dhammaan dhinacyada siyaasadda oo dhami xil iska saaraan xasilloonida dalka, kana fogaadaan hadal ama ficil kasta oo niyad jab ku ah shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaraha Somalia.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post