X

Somalia: Maxaa Kasoo Baxay Kulan Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Wakiillada Beesha Caalamka Dhexmaray?

Ra'iisal Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka Image Araweelo News Network 24 February 2021.

Araweelo News Network.

Somalia: Maxaa Kasoo Baxay Kulan Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Wakiillada Beesha Caalamka Dhexmaray?

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta kulan albaabada loo xidhay kula yeeshay xafiiskii diblamaasiyiin kas socotay daneeyayaasha Soomaaliya.

Kulankaa oo qaatay saacado, ayaan si dhab ah loo ogayn arrimaha lagaga wadahadlay, iyadoo aannay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo markii kulanku dhammaaday ka hadlay.

AKHRI: Gollaha Amaanka Oo Ka Shiraya Xaaladda Fawdada Ee Khilaafka Soomaaliya Kusii Siqay Iyo Warbixinta Wakiilka Khaaska Ah

Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa sheegay in kualnka ujeedadiisu ahayd in dhinacyada xukuumadda iyo daneeyayaasha Soomaaliya ka kawada hadleen xiisada siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Xafiiska Ra’isal Wasaare Rooble, ayaa sheegay  iyo Wakiilada Beesha caalamka ay kawada hadleen khilaafka ka taagan doorashada iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan doorashada lagu muran sanyahay.

“ Wakiillada Beesha Caalamka, waxaan is dhaafsannay aragtiyo ku waajahan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda iyo dhowrista xasilloonida guud ee dalka.” ayuu yidhi Rooble.

Kulanka, ayaa kusoo beegmay kaddib bayaan ay Wakiilada beesha caalamku xalay soo saareen, iyagoo ugu baaqay dhinacyada in si deg-deg ah ay u xaliyaan khilaafka.

Sidoo kalena ugu baaqay Hoggaamiyaasha Soomaaliya in ay usii wadaan kulamdii, balse maamul gobolleedka Puntland ayaa shuruud ku xidhay kulamada Villa Somalia.

AKHRI: Maraykanka Oo Digniin U Diray Hoggaamiyayaasha Soomaalida

Wakiillada Beesha Caalamka, ayaa dhankooda wada dedaalo diblamaasiyadeed oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashada.

Waxayna kulamo kala duwan la yeesheen madaxda Dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada, kuwaas oo kula kala fogaaday qaabka loo qabanyo doorashada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post