Muqdisho (ANN)- Kooxda lagu magcaabo Hawlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM ayaa war kasoo saaray duqaymaha ururka al-Shabaab ay maalintii Axadii shalay dhowr madfac ku garaaceen saldhiggooda ku yaalla garoonka Aadan cadde ee caasimadda Muqdisho.
War-saxaafadeed ay soo saareen AUSSOM, waxay kaga hadleen weerarkaa oo ay sheegeen in aannu gaysan wax khasaare ah, isla markaana aannay jirin waxyeello soo gaadhay dhismaha ku yaal halkaa.
“AUSSOM waxay ku celinaysaa in weerarrada noocaas ah aannay wiiqi doonin sida ay uga go’an tahay taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee dagaalka kula jirta argagixisada iyo nabad waarta iyo amni laoogu soo dabbaali lahaa dalka” ayaa lagu yiri warka AUSSOM.
Dhinaca kale, Weerarka ayaa yimi toddobaadyo kadib markii miino waddada lagu aasay ay ka baxsadeen kolonyo uu la socday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerarka lala beegsaday Madaxweynaha duleedka Villa Somalia ee xarrunta Madaxtooyadda.
Kooxda ayaa muddooyinkan danbe muujisay dar-dar cusub oo ay ku muujinayaan weerarada ka dhanka ah dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna weli sii wadaan weerarro ay si taxane ah uga geysanayaan guddaha Muqdisho iyo qeybo kale oo dalka ah.
Waxaynta weerarada sidan ah waxba kama jiraan ka dhigeen sheegashada muddooyinkii dambe ay xukuumaddu sheegaysay innay dagaal adag kula jiraan ciidamada Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah sida nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika iyo Maraykanka. laakiin sheegashadaa ayaa noqotay mid su’aalo baddan ka dhasheen, iyadoo ay muuqatp in kooxdu xilligan sii xoojinay weerarada guddaha Muqdisho ay ka wadaan.
Dhinaca kale, waxay dad xusuusan yihiin in Bil kahor ay ahayd markii shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ay hakisay duullimaadyadeedii caalamiga ahaa ee ay ku tageysay Muqdisho muddo maalmo ah, wallow aannay caddayn in ay sabab u tahay in shirkaddu sababta ay u joojisay duullimaadyadeeda sababo dhanka amaanka ah, maadaama ay si maalinle ah u tegi jirtay Muqdisho.
Sidoo kale, arrintan ayaa timi horraantii bishii hore kaddib markii uu Maraykanku markii labaad toddobaad gudihii soo saaray digniin ku socota muwaadiniintiisa isagoo uga digaya inay u safraan Soomaaliya.
“Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay ku raadjoogtaa warar la isku hallayn karo oo la xidhiidha weerarro ay dhici karto in lagu qaado bartilmaamaeedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, kuwaas oo ay ku jiraan garoonka caalamiga ee Aadan Cadde. Dhamaanba dhaqdhaqaaqyada shaqaallaha safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyay ilaa ogeysiis dambe” ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, iyadoo weerarka ay cabsdia ka muujisay dhacay maalintii shalay.
Qoraalka Safaaradda Maraykanka ayaa sidoo jkale lagu sheegay in weli digniinta safarka ee heerka afaraad ee Soomaaliya ay tahay mid dhaqangal ah sababo la xidhiidha “dambiyo, argagixiso, rabshado shacab, arrimo caafimaad, afduub iyo burcadbadeednimo”.
Waxay Digniintu muwaadiniinta Maraykanka xusuusisay in ay jiraan khataro sii socda, sida afduubyo iyo qaraxyo. “Waxay qaadi karaan wakhti yar gudihiis ama digniin la’aan, iyadoo lagu bar-tilmaameedsanayo garoomada dayaaraddaha, dekeddaha, baraha koontaroollada, dhismayaasha xukuumadda, hoteellada, makhaayaddaha, goobbaha dukaamaysiga, iyo meelaha kale ee ay dadka baddan isugu yimaadaan, kuwaas oo ah meelaha ay dadka reer galbeedku ku baddan yihiin, iyo sidoo kale baabuurta kolonyada xukuumadda, milateriga, iyo reer galbeedka” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho, ayaa sidan oo kale 28 February waxay soo saartay digniintan oo kale, waxayna qoraalkeeda oo la mid ahaa kii ay soo saartay 4 March, kaga digtay khatarta iyo cabsida kusoo waajahan guddaha Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya, waxayna Labada qoraalba raacisay oo la socda telefoonno ay muwaadiniinta Maraykanku la xidhiidhi karaan haddii ay khatar la kulmaan.
Digniinaha Maraykanka ee u digaya muwaadiniintooda ku sugan Muqdisho, ayaa cad u muujinaya khatarta kusoo waajahan Somaaliya, kuwaas oo dhanka kale muujinaya in aannay dawladda Federaalka ee Muqdisho ;ahayn awood iyo tamar ay ku hanato amaanka Muqdisho gudaheeda oo u muuqata mid amnigeeda faraha kasii baxayo maalinba maalinta ka danbaysa oo aan laysku halayn karin, iyadoo kooxda kasoo horjeeda garaacay goobbaha ay gacanta ku hayeen Kooxda lagu magcaabo Hawlgalka Xasilinta iyo Taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, kuwaas oo maalintii Axadii shalay dhowr madfac lagu garaacay saldhiggooda ku yaalla Madaarka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.
Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com