X
    Categories: Warar

Somalia; Madaxweyneha Djibouti Oo Marti U Noqday Magaaladda Muqdisho Ee Qaraxyada Iyo Dilalka Caanka Ku Noqotay

Maxay Ka Wada Hadleen Labada Madaxweyne  ee Farmaajo iyo Geelle?

Muqdisho(ANN)- Madaxweynaha Dalka Djibouti,  Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta dawladda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyay maanta.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geele Muqdisho 16 March 2019, sawirka VILLA Somalia.

Madaxweyne Geelle  oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha wasiiradiisa,  ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Khayre iyo sidoo kale ku xigeenka ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale oo dawladda Federaalka ah.

Kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Djibouti, oo ay ku wheliyeen masuuliyiin labada dhinac ah, ayaa ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ku macneeyeen mid lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka labada waddan, la dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo arrimo kale oo khuseeya xidhiidhka labada dal,

Madaxweynaha Somaaliya Farmajo iyo Ra’isal wasaare Kheyre oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle 16 March 2019, Villa Somalia Muqdisho

“kulankan,  waa kulan taariikhi ah oo ka tarjumaya xidhiidhka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah,wuxuuna xoojinnayaa iskaashiga dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga, arrinta ugu muhiimsanna, waa arrinta Amniga ee la dagaallanka qolooyinka argagixisada ah oo Madaxweynaha Djibouti hoggaamiyo, waana ku ammaananyahay” ayuu yirdhi, Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay  kulanka Madaxweyne Geelle ku dhexmaray Villa Somalia

Dhinaca kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa yidhi, “Dadweynaheennana waxay jecel yihiin inaan iskaashiga sii kordhino, dhib iyo dheefba inaan isku duubnaanno, annaguna had iyo jeer wehel Ayaan idiin nahay” ayuu yidhi, Madaxweyne Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo booqashada uu ku tegey maanta magaalada Muqdisho muddo laba maalmood ah qaadanay, ayaa noqonaya Madaxweyihii u horreeyay ee wixii ka danbeeyay burburkii Soomaaliya inta la ogyahay u hoyda magaalada Muqdisho oo xarun u ah qaraxyada iyo weerrarada Al-shabaab, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka,  waxa la sheegay in Madaxweyne Geelle xadhiga ka jarayo mudada uu halkaa joogo dhismaha safaarada dalkiisa, sidoo kale waxa la filayaa inuu booqdo xarunta ciidamadda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee  AMISOM, oo Djibouti qayb ka tahay.

Madaxweynaha Djibouti Ismaciil Cumar Geele iyo xubnaha dawladdiisa ee la socda, oo muqdisho kula lulamy madaxda Soomaaliya, 16 March 2019, sawirka VILLA Somalia.

Xubnaha wafdiga Maxweyne Geelle waxaa ka mid ah Xildhibaanno, Wasiirro iyo la taliyeyaal ,fannaaniin caan ah oo ay dalka Soomaaliya ugu dambeysay tani iyo marki ay dhacday dowladdi Maxamed Siyaad Barre 1991-kii, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo uu wehliyo fannaanka  reer Djibouti, Cawaale Aadan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post