Maxay Ka Wada Hadleen Labada Madaxweyne ee Farmaajo iyo Geelle?
Muqdisho(ANN)- Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta dawladda Federaalka Soomaaliya, halkaas oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyay maanta.
Madaxweyne Geelle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah xubnaha wasiiradiisa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal Wasaare Khayre iyo sidoo kale ku xigeenka ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale oo dawladda Federaalka ah.
Kulanka labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Djibouti, oo ay ku wheliyeen masuuliyiin labada dhinac ah, ayaa ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho.
Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ku macneeyeen mid lagaga hadlay xoojinta xidhiidhka labada waddan, la dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo arrimo kale oo khuseeya xidhiidhka labada dal,
“kulankan, waa kulan taariikhi ah oo ka tarjumaya xidhiidhka labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah,wuxuuna xoojinnayaa iskaashiga dhaqaalaha iyo wax wada qabsiga, arrinta ugu muhiimsanna, waa arrinta Amniga ee la dagaallanka qolooyinka argagixisada ah oo Madaxweynaha Djibouti hoggaamiyo, waana ku ammaananyahay” ayuu yirdhi, Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay kulanka Madaxweyne Geelle ku dhexmaray Villa Somalia
Dhinaca kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa yidhi, “Dadweynaheennana waxay jecel yihiin inaan iskaashiga sii kordhino, dhib iyo dheefba inaan isku duubnaanno, annaguna had iyo jeer wehel Ayaan idiin nahay” ayuu yidhi, Madaxweyne Geelle.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo booqashada uu ku tegey maanta magaalada Muqdisho muddo laba maalmood ah qaadanay, ayaa noqonaya Madaxweyihii u horreeyay ee wixii ka danbeeyay burburkii Soomaaliya inta la ogyahay u hoyda magaalada Muqdisho oo xarun u ah qaraxyada iyo weerrarada Al-shabaab, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka, waxa la sheegay in Madaxweyne Geelle xadhiga ka jarayo mudada uu halkaa joogo dhismaha safaarada dalkiisa, sidoo kale waxa la filayaa inuu booqdo xarunta ciidamadda nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM, oo Djibouti qayb ka tahay.
Xubnaha wafdiga Maxweyne Geelle waxaa ka mid ah Xildhibaanno, Wasiirro iyo la taliyeyaal ,fannaaniin caan ah oo ay dalka Soomaaliya ugu dambeysay tani iyo marki ay dhacday dowladdi Maxamed Siyaad Barre 1991-kii, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal oo uu wehliyo fannaanka reer Djibouti, Cawaale Aadan.