X

#Somalia: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Digay Collaada Sool Iyo Khilaafyada Doorashooyinnka #Somaliland iyo #Puntland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Image Araweelo News Network, 7 Jan 2023

#Araweelo_News_Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay in lasii wado collaadda gobolka Sool oo xilligan weji kale isu beddeshay, sidoo kale wuxu ku baaqay ka xukuumad Federaal ahaan innay ka walaacsan yihiin khilaafyda dhanka doorashooyinka ee Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Mar uu ka hadlayay collaadda gobolka Sool ee dhawrkii bilood ee u danbeeyay, wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in ay sii socoto collaadda, isagoo xusay innay xukuumad ahaan ku hawan yihiin sidii Maxaabiista laysu waydaarsan lahaa, isla markaana aannay dhibaatada collaaddu usii socoteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu sheegay in loo baahanyahay sidii burburkii collaaddu sababtay looga soo kaban lahaa ee loo soo celin lahaa addeegyadii aasaasiga ahaa ee ay collaaddu sababtay innay burburaan.

“Waxaan mu hawlanay in la gaadho xabbbad-joojin waarta in iyo lays weydaarsado maxaabiista, dib u dhisna loo sameeyo wixii burburay.” ayuu yidhi, Madaxweyne Xasan oo hadalkaa ka jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya ee dawladda Federaalka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay innay si dhow ula socdaan wallalahood Somaliland, isagoo yidhi, ‘Waxan si dhow ulla soconaa Wallaalaheen Somaliland oo ku jira marxalad kala guur ah oo u diyaargaroobaya doorashooyin, annagoo welwel baddan ka qabna dib u dhaca ku yimi doorashooyinka, waxaan ku diirigelinayanaa in doorashooyinka la dedejiyo waqtigii loo balamayna lagu qabto. Waxaan ka degaynaa khilaaf walba oo xalkiisa loo marrin tubta sharciga ah, wadahadalka iyo isu tanaasulka.” ayuu yidhi, isagoo ka hadlayay xaalladda khilaafka doorashooyinka Somaliland dib usoo cusboonaaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay khilaafka doorashooyinka maamul goboleedka Puntland, wuxuuna ku baaqay in lagu dhammeeyo wadahadal wixii lhilaaf ah ee jira, isla markaana dadka aan siyaasadda shaqo ku lahayn ay raadiyaan xalka si loo gaadho heshiis.

“Waxaan ka xunahay khilaafka dhiilada ah ee Puntland, waxaan dhiirigelinaynaa baaqyada Odayaasha iyo waxgaradka si loo gaadho xalka ugu haboon” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu xusay in Soomaalidu ay kasoo daashay dagaalo iyo collaaddo, isla markaana Soomaaliya 63 sannaood kaaddib ay weli aduunku ka haystaan sawor khaldan, sidaa awgeed loo baahanyahay in muuqaalka foosha xun ee Soomaaliya meesha laga saaro, isagoo xusay in dawllada Federaalka ah in baddan oo dalka ka mid ah soo celisay amnigii oo ay ka saartay wuxuu ugu yeeshay kawaariijtii.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post