X

Somalia: Madaxweyne Geele Oo Booqasho Ismiidaamin Ah Ku Tegey Magaalada Muqdisho kdib Xidhiidhkii Guurka Siyaasadaysan

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)- Madaxweyneha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si lama filaan ah u booqday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya, iyadoo xaaladda amniga si weyn loo xoojiyay.

Madaxweyne Geelle oo aan si dhab ah loo ogayn ujeeddada socdaalkiisa, ayaa kulamo la yeeshay  Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Labada Madaxweyne oo kulamadaa kaddib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ujeeddada safarka Madaxweyne Geelle ay la xidhiidhay arrimo ku saabsan xidhiidha labada dale e Soomaaliya iyo Djibouti iyo sidii qiimayn loogu samayn lahaa hannaanka iskaashiga laba dal ee loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo shir-saxaafadeed wada qabtay kulankooda kaddib ayaa sheegay in ay isla qaateen sidii loo adkayn lahaa  midnimada iyo walaalnimada ka dhaxeysa labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Djibouti, sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa  dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha, Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay usoo dhoweeyeen, isagoo xusay inay ka muuqatay walaalnimo iyo kalgacal ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa.

Mr. Geelle, waxa uu xusay in uu ajiibay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo sida uu carabka kuy diftay ahayd inuu markhaanti ka noqdo guulaha uu sheegay in laga gaadhay howlgallada dib u xoraynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab.

Booqashada Madaxweyne Geelle ee Muqdisho, ayaa kusoo beegantay maalmo kaddib markii ay Madaxweyne Xasan Sheekh Dalka Djibouti u tegey gabadh uu dhalay Madaxweyne Geelle oo la siiyay sarkaal ka tirsan qoyskiisa, taas oo loo arkayay guur iyo xididnimo ay ku duugantahay siyaasad qorsoon iyo qorshayaal aan si dhab ah usoo shaacbixin oo Madaxweyne Geelle maaganyahay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post