X

Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Waxba Kama Jiraan Ka Dhigay Xil Ka Qaadis Ra’iisal Wasaare Rooble Ku Sameeyay Fahad Yaasiin Agaasimaha NISA

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa meesha ka saaray go’aan uu ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble shaqada kaga joojiyay Agaasimaha Hay’addaha Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin, isla markaana ku magcaabay bedelkiisa Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu faray dhammaan Hay’addaha ay khuseyso in ay si firfircoon ula shaqeeyaan Agaasimaha Ku meel-gaadhka ah ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

AKHRI: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Muranka Ka Taaga ikraan Tahliil Iyo Hay’adda Sirdoonka

Sidoo kale, qoraalka  ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa faray Xeer Ilaalinta Qaranka in ay baadhis dhammeystiran ku sameeyaan Kiiska Marxuumad Ikraan Tahliil Faarax, si loo horkeeno arrinkan Maxkamad.

 

Go’aanka ra’iisal wasaare rooble, ayaa daba socday kaddib qoraal uu kaga dalbaday agaasimaha hay’adda Fahad Yaasiin in 48 saacadood uu jawaab lagu qanici karo kaga soo gudbiyo nolol iyo geeri, laakiin jawaabta uu ka bixiyay Fahad Yaasiin dalabka ra’iisal wasaaraha, ayaa sababay go’aanka uu shaqada kaga joojiyay agaasimaha, isla markaana ku magcaabay agaasimaha cusub.

Hase yeeshee Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu xalay kasoo saaray arrintaa ku amray in uu shaqadiisa sii wato agaasimaha NISA,  Fahad Yaasiin, isagoo meesha ka saaray amarka magcaabista iyo shaqa joojinta ra’iisal wasaraha ee madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu go’aanka ka soo baxay ra’iisal wasaaraha ku tilmaamay in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka”.

AKHRI: Al-shabaab Oo Iska Fogaysay Dilka Haweenay Sirdoonka Somalia Ka Tirsanayd Oo NISA U Xanbaarisay

Dhinaca kale, Gollaha Midawga Murrashaxiinta, ayaa ka hadlay arrintan, waxayna qoraal ay soo saareen ku yidhaahdeen, “Golluhu wuxuu u arkaa in go’aanka shaqo joojinta uu fure u yahay caddaalad ay helaan qoyska Ikraan Tahliil oo la afduubay lana dilay. Waxay kaloo billow u tahay soo celinta sumcada hay’adda iyo kalsoonida ay shacbaku ku qabi karaan. Golluhu wuxuu dalbanayaa in baadhitaan lagu sameeyo taliyihii xilka laga joojiyey.” Ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen gollaha midowga murrashaxiinta.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post