X
    Categories: Warar

Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Xukuumadda Khayre

Madaxweyne Farmaajo oo Guddoominaya shirka golaha wasiirrada

 

Muqdisho,(ANN) –Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay aragtida xukuumadda Ra’iisal wasaare Khayre kadib Shirkii golaha Wasiirrada oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo uu Madaxweyne Farmaajo gudoominayay.

Sidaana waxa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay shirka golaha wasiiradda oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, kaas oo u qornaa sidan:-

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka golaha wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xidhiidha shaqooyinka ay qabtaan tubaha horumarinta arrimaha bulshada, Amniga iyo caddaaladda, siyaasadda loo dhanyahay iyo tubta horumarinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hor-tebinta leh ee u yaalla tubaha hawlaha lagu guulaystay qabashadooda.

Madaxwayne Farmaajo ayaa ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumadiisa ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan isaga oo sheegay in wada shaqaynta wanaagsan ee madaxda qaranku ay sabab u tahay wanaajinta shaqada xukuumadda iyo taabba gelinta qorshaha qaranka.

Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre iyo xukuumaddiisa kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed si guul looga gaadho fulinta qorshayaasha qaranka.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post