X

Somalia: Laba Maamul Gobolleed Iyo Midawga Murrashaxiinta Oo Isku Mari Waayay Kulan Ay Yeesheen

Shirka Gollaha murrrashaxiinta Madaxweynaha ee mucaardka ku ah iyo maamul gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug, Araweelo News Network, Image 18 April 2021, Muqdisho Somalia.

Araweelo News Network.

 

#Somalia: Laba #Maamul#Gobolleed Iyo #Midawga Murrashaxiinta Oo Isku Mari Waayay Kulan Ay Ka Yeesheen Xaaladda Siyaasadeed

Muqdisho(ANN)-Gollaha la baxay murrrashaxiinta Madaxweynaha ee mucaardka ku ah xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ku guuldaraysatay in ay ku qanciyaan maamul gobolleedyada in ay ka laabtaan go’aankii ay ku taageereen mudda kordhinta xukuumadda Madaxweyne Farmaajo.

Kooxda murcaaradka ee la baxay Gollaha Murrashaxiinta Madaxweynaha  iyo hoggaamiyaasha dowlad gobolleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug , ayaa isugu yimi kulan ay doonayeen sidii ay meel isaga wada taagi lahayeen xaaladda cakiran ee siyaasada Somalia xilligan.

Hase yeeshee sida ay sheegayaan wararka ka ag dhowaa dhinacyada waxa Wadahadalkaa oo ahaa mid muhiim ah, isla markaana u dhaxeeyey hoggaamiyaasha kooxda murrashaxiinta iyo maamul gobolleedyada oo ujeedadiisu ahayd xalka iyo mawqifka xilligan khilaafka siyaasadeed ee sii xooggaystay uu noqday mid fashilmay kadib markii dhinacyadu isku khilaafeen arrimo dhowr ah.

Wararka la xidhiidha kulankaa, ayaa sheegay in kooxda murrashaxiintu ka dalbadeen labada hogaamiye goboleed in ay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan go’aankii Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in dowlada federaalka loogu daro mudo labo sano ah, taas oo ay labada maamul goboleed hore u taageereen.

 

Kooxda murrashaxiinta, ayaa doonayay in ay ka noqdeen mawqifkii ay hore labada maamul gobolleed ugu sheegeen in ay taageersan yihiin mudda kordhinta, balse labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay ku boorriyeen dhankooda kooxda murrashaxiinta  inay wadahadal la yeeshaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si xal looga gaadho ismari waaga siyaasadeed, balse kooxda siyaasiinta ayaa ku ganacsaydhay dalabkaa, waxaana sidaa ku bur-buray kulankii ay labada dhinac lahaayeen.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post