X

Somalia: Kulan Dhexmaray Ra’iisal Wasaare Rooble Iyo Midawga Murrashaxiinta Ee Ku Balansanaa Mudaharaadka

Araweelo News Network.

Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Rooble Iyo Midawga Murrashaxiinta Ee Ku Balansanaa Mudaharaadka?

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda xilligeedu dhammaadat ee Soomaaliya, ayaa kulan la yeetay kooxda siyaasiyiinta mucaardka ee la baxay Midawga murrashaxiint, kuwaas maalinta beri ee Jimcaha hore ugu baaqay mudaharaad ka dhan ah Xukuumadda Farmaajo.

Midawga murrashaxiinta iyo ra’iisal waasaraha Somalia Image File Araweelo News Network 25 February 2021.

Si dhab ah looma ogga waxyaabaha kulankaa oo saxaafu aannay goob joog ka ahayn lagaga wada had;lay,  ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble , ayaa kulankaa kaddib sheegay in ujeedada kulanku ahaa mid wadatashi  ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiskiisa, ayuu ku macneeyay in Midowga Murrashaxiinta wadahadallada dhexmaray ay ahaayeen kuwo midho dhal ah oo ka tarjumaya bisaylka siyaasadeed iyo u tanaasulka danta guud ee dalka.

Kulanka Midawga murrashaxiinta iyo ra’iisal waasaraha Somalia Image File Araweelo News Network 25 February 2021.

Ra’iisal Wasaare Rooble, wuxuu ku bogaadiyey Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabeella iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, doorka iyo dedaalka ay ku bixiyeen ka midho-dhalinta waanwaantan.

Sidoo kale, wuxuu  uga mahadceliyey Madaxweynayaashi hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xubnaha kale ee Murrashaxiinta uu kulanka la qaatay dadaalka ay muujiyeen si loo gaadho heshiiskan.ayaa lagu yidhi qoraalka.

Kulanka Midawga murrashaxiinta iyo ra’iisal waasaraha Somalia Image File Araweelo News Network 25 February 2021.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu bishaaraynayaa heshiiskan oo muujinaya sida ay nooga go’an tahay ilaalinta xasilloonida iyo amniga dalka.”

“Dowladdu waxa ay garowsan tahay ilaalinta sarreynta sharciga iyo xuquuqda muwaadin kastaa u leeyahay in uu cabiro fikirkiisa, waxaan rajaynayaa in aan dhammaanteen ka wada shaqayno qabsoomidda doorashada.” ayuu yidhi, Rooble.

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inuu  hor-dhigay masuuliyiinta uu la kulmay duruufaha amni iyo caafimaad ee ka jira dalka.

Sidaa awgeed usoo jeediyay in dib loo dhigo bannaan baxa maalinta Jimcaha oo ay kooxdu hore u iclaamiyeen.

isagoo sida uu sheegay ugu baaqay in laga wada shaqeeyo marxalad iyo waqti kale oo ku habboon banaanbaxa oo suurtagal ah.

Kulanka Midawga murrashaxiinta iyo ra’iisal waasaraha Somalia Image File Araweelo News Network 25 February 2021.

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay xafiiska Villa Somalia, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya  ay adkaysay dadaalka ay ku bixinayso badqabka caafimaad iyo amni ee muwaadiniinta.

Balse wuxuu xusay in iyadoo arrimhaasi jiraan la dhowrayo xuquuqda dastuuriga ah ee qeexaysa in muwaadin kasta uu xaq u leeyahay soo bandhigidda aragtidiisa siyaasadeed.

Sida lagu xiusay qoraalka kasoo baxay Villa Somalia, waxa ra’iisal Wasaaraha  ku weheliyey Madaxweyneyaasha Dowlad Gobolleedyada, Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamed Maxamuud.

Kooxda la baxday midawga Murrashaxiinta waxay si weyn isugu khilaafsanaayeen xukuumadda xilligeedu dhammaaday qaabka loo gaadhayo doorasho iyo sharciyadeeda, maadaama xilligeedii dhammaaday.

Siyaasiyiinta murrashaxiinta, ayaa mudaharaad ka sameeyay Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho kaddibna xaaladda cirka kusii shareeray.

Wallaw ay mar kale ku baaqeen in maalinta beri ee Jimcaha mudaharaad  kale oo lagu sameeyo xukuumadda.

Balse xukuumadda ayaa shalay sheegtay in aannay marnaba aqbalayn mudaharaad dawladda kasoo horjeeda iyo mid lagu taageerayo.

Midawga murrashaxiinta ayaan dhankooda markii kulanku dhamamadat ka hadlay, ayaa sheegay in ay wadahadal kaddib xukuumadda isla qaateen in hore loo socdo, taasna ku balameen.

Sidoo kale qoraalka xafiiska ra’iisal wasaaraha laguma xusin in lagaga hadlay khilaafka iyo xiisadda sababay ee muranka doorashooyinka ka taagan.

Wallaw Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mahad celinayay kulanka uu sheegay in laysla qaatay sidii doorasho dalka uga dhici lahayd, isla markaana gamcaha laysu qabsan lahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post