X
    Categories: Warar

Somalia: Khilaafka Ka Aloosan Mooshinka Ku Waajahan Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Lagu Muransanyahay Googta Lagu Qabanayo

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Khilaaf xooggan, ayaa ka Aloosan mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Jawaari, kadib markii xildhibaanada ku kala qaybsan mooshinka Isku maandhaafeen goobta lagu soo bandhigayo ee fadhiga Baarlamaanku ka dhaca yo.

xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku kala qaybsan mooshinkaa, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda ku saabsan mooshinka codka kalsoonida la doonayo in loogu qaado guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xildhibaannada kasoo hor jeeda mooshinkaas waxay kalsooni darro ka muujiyeen xarunta Baarlamaanka oo ciidamo ka duwan kuwii hore ay amniga la wareegeen.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan (Fanax) oo xildhibaannadaas ka tirsan wuxuu ku doodayaa in ciidankaas ay yihiin kuwo ay xukuumaddu soo diratay, kuwaasoo “haysta xarunta Baarlamaanka”, halka ciidankii hore ay ahaayeen “kuwo gunnadoodu ay ku jirtay miisaaniyadda Baarlamaanka”.

Wuxuuna ku dooday in codka mooshinka lagu qaado hoolkii ay ka dhacday doorshadii madaxweynaha bishii Febraayo 2017, ee gudaha xerada Afisiyoone, isagoo Xildhibaan Maxamed Isaaq inataa ku daray in loo baahan yahay in codayntu noqoto mid qarsoodi ah.

Dhanka kale, xildhibaannada qaba in xarunta baarlamaanka lagu qabto cod u qaadidda mooshinka ayaa ku doodaya in aanay jirin sabab loo tago goob kale oo aan ahayn xarunta Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo BBC la hadlay wuxuu meesha ka saaray aanay jirin ciidan u gaar ah amniga Baarlamaanka iyo kuwo qabsaday toona.

“Sidee baynu ciidankii dalka qaarna u dugsanaynaa, qaarna uga dareen qabaynaa” ayuu yidhi Xildhibaan Dalxa.

Dooddan ayaa ku soo beegantay, iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka uu AMISOM ka codsaday in codaynta mooshinka lagu qabto gudaha xerada Afisiyoone, maadaama aanu kalsooni ku qabin dhismaha xarunta Baarlamaanka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post