X
    Categories: Warar

Somalia: Khilaaf Ka Dhashay Xeer Lagu Soo Roggay Qareenada Iyo Dacwaddaha Maxkamaddaha Muqdisho

Araweelo News Network

Ururka Qareenada oo sharci-daro ku tilmaamay xeerka uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya

Muqdisho(ANN)-Ururka Qareenada Soomaaliya, ayaa dacwad ka gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle.

Dacwada ka dhanka ah Wasiirka Maaliyadda, ayaa ka dhalatay kadib markii uu soo saaray 20 September 2020, sharci cusub oo jidaynaya in la cashuuro kiisaska dacwaddaha qareenada .

Afhayeenka ururka Qareenada Soomaaliya, garyaqaan Cali Xallane, Araweelo News Network.

Hase yeeshee Ururka Qareenada Soomaaliya, ayaa ku doodaya in gebi ahaanba aannu sharci ahayn, isla markaana aannu awood u lahayn  in uu sharci sidaa ah soo saaro.

Sharciga uu soo saaray Wasiir Beyle, ayaa dhigaya in dacwaddaha ka furanaya Maxkamaddaha ee qaraanada la cashiiro’, isla markaana waxa  lagu sheegay sharcigaa cusub inuu yahay Xeerka nidaaminta ajuurada Maxkamaddaha.

Afhayeenka ururka Qareenada Soomaaliya,  garyaqaan Cali Xallane, ayaa xeerka cusub ee ajuuradda maxkamaddaha ku tilmaamay mid kusoo baxay qaab aan sax ahayn, maadama ay ahayd in lasoo marsiiyo Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka, isla markaana ay soo saarto wasaarada Garsoorku.

Sidaa awgeed Garyqaan Xallane ayaa sheegay  inay dacwad uga gudbinayaan maxkamadda sarre ee dalka, si ay xeerkaa Wasiirku keligii soo saaray meesha uga saaraan.

Xalane ayaa qorshaha xeerka Bayle uu soo saaray ku sheegay mid dhabaha u xaadhaya musuq-maasuq hor leh inuu ka dhaco waaxda Garsoorka dalka, sidaa awgeed aan la aqbali karin.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in Wasiir Bayle uu kamid yahay xukuumaddii kalsoonida lagala noqday ee ra’iisla wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, ,sidaa awgeed uu yahay keliya siihaye  oo aannu xeer soo saari Karin, isagoo sidoo kale  sharaxaad  ka bixiyay Xeer- nidaamiyaha uu soo saaray Wasiirka iyo Xeer nidaamiyihii hore.

Xeerka Ajuuradda Maxkamaddaha ee uu dhawaan soo saaray Bayle ayaa waxa uu dhigaya in qareenada ay bixiyaan lacag dhan $500 si ay u sameystaan aqoonsi, taas oo sanadkii laga doonayo  kala badh, inta markii horre laga qaaday.

 

Xeerka uu soo saaray Wasiir Bayle, ayaa sidoo kale dhigaya in qofkasta oo dacwad ka furanaya maxkamaddaha dalka laga doonayo lacag dhan $200,, iyadoo aan maxkamaddu aqblayn dacwaddiisa haddii aanu bixin lacagtaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post