X
    Categories: Warar

Somalia: Khayre Oo Kulan La Qaatay Kooxda Dardar-gelinta Qorshaha Daabacaadda Lacagta Cusub

Kulanka lacagta cusub ee Soomaaliya lagaga hadlayay

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)– Ra’iisal wasaaraha xukuummadda fereraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta shir-guddomiyay kulan ka qabsoomay Muqdisho oo lagaga hadlay dhaqaalaha dalka kaas oo ka qayb galeen xubna ka socda hay’addo caalami ah iyo dawladaha ay Soomaaliya bah-wadaagta yihiin.

kulanka ayaa ajandayaashiisa ugu waawayn waxaa kamid ahaa dardar-galinta qorshaha samaynta lacagta cusub ee shilin Soomaaliga ah, waxaana dhammaan dhinacyadii kasoo qayb galay kulanka ay isla garteen in dawladihii iyo hay’adihii ballan qaaday in ay dawladda ka taageerayaan dhaqaalaha lagu daabacayo lacagta oo dhan $41 milyan ay si dhaqsa ah u bixiyaan, maadaama ay Soomaaliya soo buuxisay shuruudihii laga doonayay si lacag loogu daabaco.

“Waxaa nalaku xidhay shuruudo badan si lacagta cusub ee Soomaaliya loo soo daabaco, waana soo buuxinnay. Waxaa haray uun in dalkeenna lacagtiisii soo noqoto, waxa ayna u baahantahay lacag lagu daabaco laguna maamulo oo dhan $41 Milyan. Lacagtaas dawladdu ma bixin karto oo dawlado iyo hay’ado ayaa ballan qaaday in ay ku taageerayaan maadaama shuruudihii aan soo buuxinnay,” ayuu yidhi wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliyan, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka war bixiyay kulanka.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa caddeeyay in la qaban doono kulan kale oo ballaadhan kaas oo lagaga hadlayo gebagabaynta qorshaha daabacaadda lacagta cusub, kadibna la hawl gelinayo shirkaddii lacagta daabici lahayd.

Qorshaha daabacaadda lacagta cusub ee Soomaaliya ah oo socday waqti dheer, shuruudo bandanna lagu xirnay ayaa qayb ka ah hannaanka dib u habaynta dhaqaalaha dalka iyo dardar-gelinta Barnaamijka xukuummadda.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo XidhiIdhka
Muqdisho, Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post