X

Somalia: Jubaland Iyo Puntland Oo Ka Hadlay Mawqifkooda Xilligan Ee Xaaladda Khilaafka

Madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya ee Jubland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somalia: Khilaafka Sii Holcaya Iyo Mawaaqifta Maamulada #Jubaland iyo #Puntland

#Muqdisho(ANN)-Maamul gobolleedyada Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland, ayaa ka hadlay mawqifkooda xilligan ee xaaladda siyaasada Soomaaliya iyo khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday.

War-saxaafadeed ay wada jir usoo saareen labada maamul ee Jubaland iyo Puntland caawa, waxay ku eeddeeyeen xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee xilligeedu dhammaaday in ay xaggal daacinay shirkii lagaga hadli lahaa arrimaha muranka doorashada.

Waxa kaloo ay ku sheegeen war-saxaafadeedka ay wada jirka usoo saareen in muddo saddex toddobaad ah oo ay ku sunaayeen magaalada Muqdisho oo ay halkaa u joogeen iyagoo soo ajiibay, isla markaana ka jawaabaya dalabkii beesha ee ahaa in shir laysugu yimaado aannay weli wax jawaab ah haynin oo ay sugaan shirkaa.

Sidoo kale, waxay sheegeen in shir muddo saddex maalmood ah ka socday Muqdisho oo ahaa mid beesha Caalamku ku doonayso in dawlad gobolleedyada iyo xukuumadda Federaalka ay uga wada hadlaan sidii shirkaasi u furmi lahaa ay kulamadaasi kusoo dhammaadeen guuldaro.

War-saxaafeedka labada maamul oo ay ku muujiyeen mawqifkooda xilligan iyo xaaladda Khilaafka Soomaaliya oo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) soo dhigay caawa bartiisa Twitter ayaa isagoo dhamaystiran sidan:-

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post