X

Somalia Iyo Ethiopia Maxaa Kasoo Baxay Kulamadii Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka Ethiopia, Abiy Axmed, Addis Ababa, Image Araweelo News Network. 30 September 2022.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan laba maalmood qaatay kula lahaa Addis Ababa ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka Ethiopia, Abiy Axmed, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay kulankaa kaga wadahadleen.

Qoraal kasoo baxay kulanka kaddib dhinaca Villa Somalia, ayaa lagu xusay in labada dhinac isla soo qaadeen dhawr qodob oo muhiim ah.

War-murtiyeed ay Villa Somalia dhankeeda ku xustay waxyaabaha laga wadahadlay, ayaa u qornaa sidan:

“Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehliyay masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Ethiopia, gaar ahaan in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.”ayaa lagu yidhi, war-murtiyeedka Villa Somalia.

Qodobada ay labada dhinac isla qaateen ayaa laga xusay:

In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabataynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saamaynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaadho, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Ethiopia ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas, sida lagu sheegay qoraalka war-murtiyeedka dhanka Villa Somalia.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post