Somalia iyo Djibouti Maxay Ka Yidhaahdeen Masiibada Dabkii Suuqa Ugu Weyn Hargeysa Ee Waaheen

Alt: Araweelo News NetworkAlt: Araweelo News Network

Ismail Omar Gelleh, Image File Araweelo News Network 9 June 2020

Araweelo News Network.

Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne armaajo

Alt: Araweelo News Network
Muuqaalka Suuqa Waaheen oo shufbeelay 1 April 2022, Image Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhawayd ka hadlay musiibadii xalay ka dhacday suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa oo dab qabsaday, kaas oo gebi ahaanba shuf beelay.

Madaxdweyne Geelle ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi, “Waxaa murrugo weyn nagu ah dabki xalay qabsaday suuqa ugu wayn magaalada Hargeysa ee Waaheen.”

Qoraalka wuxuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in dhibaatadii xalay ka dhacday magaalada Hargeysa ahayd mid si aad ah u tabatay reer Djibiouti.

“Waxaanu garab taaganahay shacabka walaalaha aan nahay ee reer Somaliland. Waxa aan shaki ku jirin in ay ka bixi doonaan dhibkaas oo ay dib u dhisi doonaan magaaladoodii quruxda badnayd.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Geelle.

“Annaguna waanu garab taaganahay sidaan had iyo jeerba waxba uga hakranayn” ayuu raaciyay, Madaxweyne Geelle oo ka hadlayay masiibada suuqa Waaheen ee gubtay.

Sidoo kale, Madaxweynaha Dalka Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu sheegay in uu saaka khadka Telefoonka kula   hadlay Madaxweyne Muse Biixi, isla markaana maalinta berri Hargeysa iman doonnaan wefti ka socda Djibouti, Shacbi weynaha Somaliland iyo dalkoodaba Allaha xifdiyo oo dhibkan kheyr ha ugu badilo inshaaAllah.”ayuu yidhi, Madaxweynaha Djibouti.

Sidoo kale, Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Farmaajo ayaa la sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wadaagay tiiraanyada iyo murrugada ka dhalatay dhibaatada soo gaadhay ganacsatada Soomaaliland ee suuqa ugu weyn magaalada Hargaysa oo dab qabsaday xalay fiidkii, kaas oo dhawr iyo tobban saacadood lala tacaalayay sidii loo bakhtiin lahaa.

“Ganacsatada hantidooda ku waayey musiibadan iyo guud ahaan Bulshada Soomaaliland waxaan la garab taagannahay taageero iyo duco, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay is abaabulaan oo ay gacan u fidiyaan walaalahood.” Ayay tidhi Villa Somalia.

Muuqaalka Suuqa Waaheen oo shufbeelay 1 April 2022, Image Araweelo News Network.

Dhankiisa, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay garab istaagga ganacsatada ku waayey hantidooda dabka xalay ka kacay suuqa ugu weyn Hargaysa ee Waaheen.

Dhinaca kale, dabka ayaa bilaabmay xalay fiidkii abaara sideedii, kaas oo gelinkii danbe ee shalay soo gaadhay, iyadoo gurmadka dabkaa door weyn ka qaateen Dab-damisyo ka yimi deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Magaalada Jig-jiga.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post
whatsapp
line