X

#Somalia: Heshiiska #Doorashada Oo La Shaaciyay

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo saxeexaya heshiiska laga gaadhay muranka doorashooyinka Soomaaliya 28 May 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada Oo Saxeexay Heshiiska Ay Gaadheen Ee Doorashada Soomaaliya.

#Mogadishu(ANN)-Xukuumadda #Federaalka ee Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada muddada dheer khilaafka doorashooyinka isku diidanaa, ayaa gaadhay heshiis, kadib shirka magaalada Muqdisho dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ku dhexmarayay ra’iisal wasaaraha iyo madaxda maamul gobolleedyada xubnaha ka ah dawladda Federaalka.

Heshiis ka kooban toddoba warqadood oo lagu muujiyay doorashada iyo nidaamka loo marayo ayaa caawa dhinacyadu kasoo saareen shirkaa oo lagu soo geba-gebeeyay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal  Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Jubbaland, Axmed Maxamed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa kala madal ku saxeexay heshiiska doorashooyinka Soomaaliya.

Xaflada lagu saxeexay heshiishka wadatashiga qaran ee dhamaystirka heshiiskii 17-kii sebteembar, wuxuu ra’iisal wasaare Rooble oo hadal ka jeediyay uga mahadceliyay dhammaan dhinacyada ay khusaysay arrinta doorashada oo sida uu sheegay muujiyey tanaasul, tudhaale iyo in danta dalka laga hormariyo tan gaarka ah.

Wuxuuna uu si gaar ah ugu mahadceliyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalinta arrinta doorashada u xil saaray, Madaxda dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Maamul gobolleedyada oo saxeexaya heshiiska laga gaadhay muranka doorashooyinka Soomaaliya 28 May 2021, Image Araweelo News Network.

“Waxaa laga heshiiyey dhammaan qodobadii lagu kala aragtida duwanaa, sida arrinta Gobolka Gedo, Hannaanka doorashada gobollada Waqooyi, (Somaliland), turxaan bixinta qaab-dhismeedka guddiyada doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-gobleed iyo sidoo kale amniga doorashooyinka dalka.” Rooble.

 

Munaasibada loo qabtay heshiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Maamul gobolleedyada oo saxeexeen heshiiska laga gaadhay muranka doorashooyinka Soomaaliya 28 May 2021, Muqdisho Somalia, Image Araweelo News Network.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ballan qaaday in xukuumaddiisu ay dadaal walba ku bixinayso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho hufan oo nabdoon, isagoo ku baaqay in dhammaan dhinacyada daneeyayaasha doorashada iyo bulshada Soomaaliyeed ay qaybtooda ka qaataan sidii ay loo hirgelin lahaa doorashada, isla markaana uu dalku uga baxi lahaa caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ku geedaaman.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay qoondada Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gollayaasha dowladda ay xukuumaddiisu si weyn xil isaga saarayso.

Nuqulada Heshiishka oo soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ka daalaco halkan:

 

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

,

 

 

 

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post