X

#Somalia: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Iyo Kooxdiisa Ku Xaadira Magaca #Somaliland Oo Qoraal Digiin Ah U Diray Madaxda Federaalka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Khilaafka Xildhibaanada ee ay ku kala qaybsan yihiin labada garab ee ku xaadira Magaca Somaliland ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa cirka isku shareeray, kuwaas oo isku khilaafksan guddida doorashada ee soo xulaya xubnaha loo qoondeeyay ee laba golle.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi oo hoggaaminaya mid ah labada garab, ayaa ku gacan saydhay dalab uga yimi Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo masuula Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u wakiishay xil-gaadhsiinta doorashooyinka, isagoo ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyay in uu doonayo inuu la wareego gacan ku haynta doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in arrintaasi noqonayn mdi xal ah, isla markaana ay qabaan tabashada ay qabaan ay tahay in talada iyo maamulka doorashada loo gacan geliyo Rooble, sidaa awgeed loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka labo garab u kala jebiyay guddida doorashada Somaliland.

Wuxuu ka digay in marnaba aan la wareejinkarin masiir umaddeed, taas oo uu sheegay in ay tahay xaq Dastuuri ah oo ay leeyihiin dadka reer Waqooyi inay ka tashadaan aayahooda iyo hubinta madax-banaanida doorashadooda xubnaha metelaya ee labada Aqal.

“Gollaha Siyaasiyiinta Somaliland, wuxuu kugu wargelinaya Ra’iisal wasaare in aan masiir umadeed la wareejin karin ee ay dadka reer Waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo hubinta madax-banaanida Doorashada 57-da kursi ee ay ku leeyihiin labada Golle.”

Qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi oo ahaa labo bogg ayaa waxa uu si toos ah ugu socdsiiyay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ee xil-gaadhsiinta, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, wuxuna kusoo jeediyay saddex qodob oo uu sheegay in ay noqon karaan xal fure u noqonkara soo afjarida xiisadda arrintaa.

Cabdi Xaashi, ayaa u gudbiyay Madaxda Gollaha Wada-tashiga Qaran saddexdaa qodob oo kala ahaa sidan:

1-Dhismaha jihaynta doorashada: In Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay noqdaan hogaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada.

2-Dib u midaynta labada garab ee guddida oo labada dhinac si caddaalad ah loogu qeybinayo guddoonka guddida.

3-Goobta doorashada iyo amnigeeda: In ay doorashada ka qabsoomto guddaha Xalane iyo inay amnigeeda sugaan ciidamada Booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post