X

Somalia: Golaha Wasiirrada Oo Ka Hadlay Hummaaga Doorashooyinka Iyo Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyadda

Somalia: kulanka golaha wasiirrada (Araweelo News Network)

Somalia: Golaha Wasiirrada Oo Ka Hadlay Hummaaga Doorashooyinka Iyo  Dib-u-habaynta Nidaamka Maaliyadda

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre, ayaa shir-guddoomiyay kulan golaha wasiirradiisu ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho oo looga hadlay hummaaga sharciga doorashooyinka 2020-ka iyo dib-u-habaynta maaliyadda iyo ololaha loo bixiyay is-xilqaan.

 

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kulankaa kadib laga soo saaray xafiiska ra’iisal wasaare Khayre oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa lagu yidhi, “Ugu horrayn wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa golaha wasiirrada warbixin faah-faahsan ka siiyay diyaarinta sharciga doorashooyinka 2020-ka oo heer gebagebo ah maraya dhowaanna wadatashi lagala samaynayo bulshada qaybaheeda kala duwan iyo dowlad gobaleedyada, ka hor inta aan la hor-gayn golaha wasiirrada.

 

Wasiirka maaliyadda xukuummadda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa isna golaha uga warbixiyay qorshaha cafinta daymaha, SMP3 oo gebagebo maraya, daabacaadda Shilin Soomaaliga iyo guud ahaan qorshaha dib u habaynta hannaanka maaliyadda dalka.

 

Xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa ajandayaasheeda ugu waawayn waxaa ka mid ah hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah oo sannadka 2020-ka la doonayo in ay ka dhacdo dalka si awoodda maamulka loogu celiyo gacanta shacabka oo ay uga taliyaan aayahooda, go’aanna ay uga gaadhaan hoggaanka mustaqblka.

 

Ugu dambayn golaha ayaa war-bixin la xidhiidha barnaamijka “Is-xilqaan) ka dhagaystay ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuummada, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo madax ka ah guddi loo xil-saaray dardar-gelinta ololaha is-xilqaan oo dib loogu dhisayo xarumaha dawladda, goobaha taariikhiga ah iyo waddooyinka.

 

–DHAMMAAD—-

 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post