X
    Categories: Warar

Somalia: Golaha wasiirrada oo ansixiyay Xeerka Xayiraadda Lacagaha

Golaha Wasiirada Somalia

Araweelo News Network

 

 

Muqdisho(ANN)-Kulan ay Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay xeerka xayiraadda lacagaha oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda, kaas oo qayb ka qaadanaya barnaamijka xukuummadda ee hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Shirka  oo uu shir guddoominayay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dood iyo falanqayn kadib waxa ay wasiirradu cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen xeerkan oo dawladda u oggolaanaya in xayirto lacagaha la xaqiijiyo in waddo qaldan ay ku socdeen ama hab sharci darro ah loo isticmaalayay.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud Maxamed ayaa sheegay in xeerkan, oo qayb wayn ka qaadanayaa sugidda amniga, qorshaha ilaalinta hantida dadwaynaha iyo dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa, loo gudbinayo baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meel mariyaan kadibna uu u noqdo sharci rasmi ah.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post