X

Somalia: Fadhi Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Laysku Khilaafay Fawdo Ka Dhigeen

Araweelo News Network.

“Waa In Laga Saara 32 -ka Maaha sharci amaanka meeshu ma sugna, maye hay’addihii amnigu”

> “Shirgudoonku durba waa leexdeen, maxay waxan u samaynayaan meeshu ma fawdaaXildhibaan Suhuur Xaaji

Muqdisho(ANN)-Guddoomiyaha cusub ee Baaralamaanka aqalka hoose dawladda Federaalka, Sh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoob), ayaa xilka kula wareegay fadhi ay kasoo xaadireen xildhibaanada gedo oo murranku ka taagan yahay.

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, Image File, Araweelo News Network, 30 April 2022.

Mudanayaasha ayaa sawaxn iyo buuq bilaabay markii ay arkeen laba kooxood oo doorashadii shirgudoonka lagu dooranayay laga reebay, kaddib markii lagu heshiish waayay, balse ay maanta madasha fadhiga kasoo xaadireen labada dhinac ee lagu murransanaa.

Laxidhiidha: Haweenay Taratan Adag kaddib Guul Taariikhiya Ku Kasbatay Shirgudoonka Baarlamaanka

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ah haweenayda guddoomiye ku xigeenka koowaad loo doortay, ayaa ku qaylisay “maye ciidamaddii amanku, yaa soo geliyay gollaha dadka aan sharciga ahayn, waa in dibedda looga saara, amaanku ma sugna iyo ereyo kale.

Laxidhiidha: Dalabka Farmaajo Oo Ka Dhexmuuqday Doorashada Afasiyoone Ee Lagu Kala Guulaystay

Sidoo Xildhibaan Suhuur Xaaji oo ka mid ahayd dhawr xildhibaan oo la hadlay arrinta ayaa sheegtay in aan loo baahnayn in fawdo laga abuuro fadhiga, waa in sharciga la ilaaliyaa maaha in dad aan sharci ahayn kaadhadh lasoo siiyo, waxa khatar ku jira amnigayaga.

Xildhibaan Suhuur Xaaji, Image Araweelo News Network, 30 April 2022.

“Shirgudoonka aan dooranay durba dhinac ayuu noqday maxaa waxaas loo samaynayaa, cid walba ma kaadh ayaa lasoo diinayaa, waa in dibedda loo saara, sababtoo ah khatar ayaan ku jiraa.” Ayay tidhi, Xildhibaan Suhuur.

Mid ka mid ahxildhibaanada arrinta buuqa dhalisay ka hadlay oo warbaahinta la hadlaya markii ay xiisadu taagnayd, Image Araweelo News Network, 30 April 2022.

Madasha waxa ka dhex qayliyay qaar ka mid ah xildhibaanada Gedo lagu soo doortay oo 16 xildhibaan ah qaarkood iyo kuwo kale ee Ceelwaaq lagu soo doortay oo iyaguna 16 xildhibaan ah oo fadhiyay dhammaantood kutaasta, waxayna ka jawaabayeen hadalada xildhibaanada kale, iyagoo iska soo horjeeda koox walba dhankeeda u sheeganay in ay sharci iyadu tahay oo ay metelay bulshada gobolka gedo ee garbahaaray.

“waxaan haysanaa kaadhka aad haysato oo kale, sida laguu soo doortay ayaa naloo soo doortay, maxaa adigana sharci kaa dhigaya annagana sharcidaro naga dhigaya, sidaa waxa ku qayliyay mid ka mid ah xildhiaanada murranku ka taagnaa oo madasha shirka fadhiyay.

Laxidhiidha: Somalia: Khilaafka Shirqooladu Ku Ladhan Yihiin Ee Doorashada Oo Sababay Inay Isku Mudhuxsadaan Farmaajo Iyo Rooble

Hase yeeshee xildhibaanada deegaamada ka baxsan qaar baddan oo ka  mid ah, ayaa ku dooday in dibedda looga saaro fadhiga 32 –ka xiubnood ee Gedo, kuwaas oo 16 ka mid ah lagu soo doortay Garbahaaray, halka 16-ka kalena lagu soo doortay Ceelwaaq oo ka tirsan Garbahaarey, balse sawaxanka iyo buuqa kaddib waxa xilka la wareegay shirguddoonka cusub, iyadoo aannay jirin wax ajande ah, balse ay madashu ahayd mid shirgudoonku xilka kula wareego si uu markaa kaddib u qabsado hawshiisa oo ay ugu horayso doorashada Madaxweynaha oo si weyn loo sugayo, isla markaana xaasaasi ah oo cabsi baddani ku xeerantahay, maadaama uu jiro loollan adag oo u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo kuwa la tartamaya.

Xilwareejinta kaddib Madaxweyne Farmaajo, ayaa xafiiskiisa Villa Somalia ku qaabilay shirgudoonka cusub ee xilka la wareegay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post