X

Somalia: Doorashada Cabdi Xaashi Falcelinta Farmaajo Iyo Bud-dhiga Loollanka Siyaasada

Madaxweyne Farmaajo Iyo Mucaaradku Siday Uga Jawaabeen Doorashada Cabdi Xaashi?

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Guddoomiyihii hore ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ka mid ah xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee milmay siyaasada Soomaaliya ee hirdanka dalalka shisheeye hadheeyay, ayaa mar kale loo doortay hoggaaminta Aqalka Sare.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo middig iyo Guddoomiyaha Aqalka sare loo doortay Cabdi Xaashi Biddix, Image file, Araweelo News Network, 26 April 2022.

Tartan adag oo lagu dooranayay Guddoonka Aqalka sare oo Salaasadii 26 April 2022, lagu qabtay Teendho ku taal xerada Afasiyoone ayuu dirqi kaga guulaytay mid ka mid ah laba murrashax oo kula tartamayay xilka hoggaaminta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Doorashada Guddoonka ka qaybgalay 54 xubnood oo ah tirada uu ka kooban yahay Aqalka sare, kuwaas lagu soo xulay qaab qabali ah oo khilaaf iyo is-jiid-jidad hadheeyeen qaabka lagu soo xulay.

 Tartanka uu isu taagay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi, waxa kula loolamay Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamac oo saddexduba kasoo jeeda Somaliland.

Hase yeeshee Cabdi Xaashi oo ahaa guddoomiyihii hore ee Aqalka sare, ayaa ku guulaystay doorashada guddoonka aqalka sare, isagoo helay 28 cod, isla markaana laba cod kaga guulaysatay musharraxa Saalax Axmed Jaamac oo helay 24, taas oo ka dhigay in Oday Xaashi dirqi kaga badbaaday guuldaro kasoo waajahda doonistiisa.

Murrashaxa saddexaad oo ahaa Wasiirkii hore ee warfaafinta Xukuumadda Farmaajo, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa isagu helay laba cod oo keliya, iyadoo ku xigeenkiisa koowaad loo doortay Cali Shacbaan, halka ku xigeenka labaad loo doortay Cabdullaahi Cali Xirsi (TimaCadde).

Guddoomiyaha Aqalka sare loo doortay Cabdi Xaashi dhexda iyo ku xigenadiisa oo hareera taagan, Image file, Araweelo News Network, 26 April 2022.

Sidaa awgeed Oday Cabdi Xaashi, ayaa markale barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya sii hoggaamindoona Afarta sannadood ee soo socda.

Doorashadiisa, ayaa saamayn ku yeelanay doorashada Madaxweynaha iyo Guddoonka Gollaha Shacabka, iyadoo uu socdo xilligan kaanbayn tartan adag iyo xataa shirqoolo laga cabsi qabo in uu sababo loollanka u dheeya Madaxweyne Maxamed Cadbullaahi Farmaajo oo doonaya inuu kursiga kusoo laabto iyo siyaasiyiin kale ee mucaaradka ah.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu hanbalyeeyay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dib loo doortay Cabdi Xaashi iyo ku xigeenkiisa koowaad Cali Shacbaan iyo ku xigeenka labaad Cabdullaahi Tima Cadde, wuxuuna usoo jeediyay in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan oo waafaqsan dastuurka.

Qoraalka hanbalyada ah ee Madaxweyne Farmaajo soo dhigay bartiisa Twitter, ayaa u muuqda mid afeef ah, isagoo leh, waa inaad shaqadiina u gudataan si waafaqsan dastuurka.

Dhinaca kale, Inkasta oo aannay jirin Mucaarad habaysan oo ay ka muuqato qorshe cad iyo istiraatiijiyad ay kursiga kaga riixanaayan Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay adagtahay in la saadaaliyo xaaladda loollanka oo wejiyo baddan leh awgeed, balse durba mucaaradku Madaxweyne Farmaajo dhankooda waxay soo dhoweeyeen doorashada uu ku guulaystay guddoonka Aqalka sare Oday Xaashi, taas oo loo fasirtay gacanhaadin iyo xod-xodasho iyo sidoo kale inay ku qiimaynayaan qardoofooyin siyaasadeed oo u dhexeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Oday Xaashi, wallow aan laysku halayn karin oo aannay jirin siyaasad ku ku dhisan mabaadi iyo rabitaanka bulshada, balse bud-dhig ugu weyn ee siyaasada Soomaaliya xudunta u ah  ay tahay danaha shaqsi iyo rabitaanka dalalka shisheeye ee ku hirdamayay soddonkii sannadood ee u danbeeyay.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post