X

Somalia: Diblamaasiyiinta Wakiillada Beesha Caalamka Oo Kulan La Yeeshay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilligeedu Dhammaaday

Kulanka Wakiilllada Beesha Caalamka iyo Rooble 30 March 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Diblamaasiyiinta ku sugan Soomaaliya, ayaa ku mashuulsan sidii ay dhinacyada hoggaamiyaaysha Somalia ee sida weyn isugu khilaafsan siyaasada isugu soo jiidi lahaayeen, waxaana jiray maamlihii u danbeeyay kulamo gooni gooni ah oo la yeelanayeen dhinacyada.

Somalia: Hoggaamiyayaasha Siyaasada Oo Sii Wata Go’aankooda Khilaafka Iyo Fashilka Shirka

Ra’iisal Waasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Diblamaasiyiinta Wakiillada ka ah Beesha Caalamka ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo ay ka wada hadleen dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka iyo soo afjarida khilaafka.

Diblamaasiyiinta Wakiillada ka ah Beesha Caalamka iyo Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa kulanka ku faaqdiday sidii xal looga gaadhi lahaa muranka, isla markaana hawsha loo bilaabi lahaa si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Baydhabo.

#Amb. James Swan,Madaxweynaha Dadban Ee Soomaaliya Iyo Kooxdiisa oo Diyaarnaya Qorshohooda Siyaasada Soomaaliya,

War-saxaafaeed kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaare Rooble kulanka kaddib ayaa lagu sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka u xaqiijiyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo in ay si shuruud la’aan ah ugala xaajooto cid kasta oo ay khusayso, welina ay furan tahay gogoshii wadahadalka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan mar kale u xaqiijinnay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka in dowladda Federaalka Soomaaliya diyaar u tahay in doorasho dalka ka dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafaqsan heshiisyadii doorashada la xidhiidhay ee hore loo gaadhay, wadahadalna lagu xalliyo madmadowga jira” ayaa lagu yidhi war-saxaafeedka.

Dhinaca kale, waxa lagu sheegay war-saxaafeedka in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale ugu baaqeyso madaxda dowlad-gobolleedyada ka maqan Shirka Wadatashiga Qaran ee Arrimamaha Doorashooyinku in ay ku soo biiraan, si arrimaha lagu kala duwan yahay loogu xalliyo miiska wada hadalka, dalkana ay uga qabsoonto doorasho daah-furan.

Madaxda maamul gobolleedyada Soomaaliya ee JubaLand iyo Puntland ayaa hore ugu gacansaydhay in ay ka qaybgalaan shirkaa, iyagoo ku xidhay shurruudo adag.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post