X

Somalia: Dhawaaqii Xumad Jebinta Ahaa Kadib  Rooble Oo Kulankii U Horeeyay La Yeeshay Maamul Gobolleedyada Qaarkood Iyo Kooxda Midawga Murrashaxiinta

Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo kulan la yeeshay madaxweynayaasha maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo siyaasiyiinta Midowga Murashaxiinta, Villa Somalia.Image File Araweelo News Network. 28 April 2021.

Araweelo News Network.

 

#Somalia: #Ra’iisal Wasaare #Rooble Maxay Ku #Heshiiyeen Maamul Gobolleedyada iyo #Midawga Murrashaxiinta

Muqdisho (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda qalalaasaha siyaasadeed hadheeyay ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulamadii u horeeyay la yeeshay, wixii ka danbeeyay dhawaaqiisa xumad jebinta ee lagu dejinayay xaaladda madaxweyneyaasha dowlad gobolleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo siyaasiyiinta Midowga Murashaxiinta.

 

Kulankaa oo ahaa mid albaabada loo xidhay oo aannay saxaafadu goob ka ahayn, balse sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kulanka kadib kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble,  waxa lagaga hadlay  xoojinta nabadda iyo xasiloonida caasimadda dalka, kadib shaqaaqooyinkii maalmihii u danbeeyey ka dhacay magaalada muqdusho.

Qoraal saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in dhinacyada ka qaybgaaly kulanka iska xog waraysteen arrimaha mudnaanta leh xilligan iyo sida loo dar-dargelin karo geeddi-socodka doorashooyinka dalka.

Bilawga wada hadalada uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa horudhac u ah dadaalo la doonayo in lagu abuuro jawi nabdoon, si loo helo xasilooni lagu qaban karo doorashooyinka dalka, ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka warbaahinta loogu tala galay in Ra’iisal Wasaaraha oo ka duulaya heshiis siyaasadeedkii  September 17, dhinacyada uu la kulmay la wadaagay baahida loo qabo in laga wada shaqeeyo sidii xiisaddaha jira loo qaboojin lahaa, isagoo madaxda Dowlad Gobolleed-yada iyo Midowga Murashaxiinta ku adkeeeyay  inay qaataan doorkooda nabadda iyo doorashooyinka.

Kulamada  ayaa lagu tilmaamay kuwo guul kusoo dhammaaday  oo ay dhinacyadu muujiyeen sida ay uga go’an tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, xasiloonida iyo doorashooyinka qaranka, balse qoraal saxaafadeedka laguma xusin wax heshiis ah oo ay dhinacyadu isla meel dhigeen, maadaama ay horeba ugu heshiin waayeen dhabaha loo marayo doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo ay mudda dheer khilaafkooda arrimaha doorashadu soo jiitamayay.

Khilaafka siyaasadeed iyo murranka laysku mari waayay  ee doorashooyinka Soomaaliya, ayaa ugu danbayntii sababay mudda kordhintii loo sameeyay xukuumadda Federaalka oo ay natiijadeedu noqotay in ay dab kusii qabato xaaladda, isla markaana qalalaase iyo jawi collaadeed ka abuurtay Muqdisho maalmihii u danbeeyay.

Balse xaaladda ayaa xumad jebin looga dhigay dhawaaqyo kasoo baxay xallay ra’iisal wasaare Rooble oo Madaxweyne Farmaajo xoojiyay, kuwaas oo lagu ishaaray in arrinta mudda kordhinta lagu celinayo gollaha shacabka ee Wakiillada Soomaaliya, kadina laga shaqeeyo dariiqa loo marayo doorashooyin wallaw aannu  jirin qorshe cad oo qeexaya dariiqa lagu gaadhi karo doorashooyin iyo qaabka loo qabanayo.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post