X

Somalia: Dawladda Oo Ka Hadashay Maydadka Weli La Raadinayo Ee Qaraxyadii Khasaaraha Geystay Iyo Guddi Loo Saaray

Goobta Qaraxyada Muqdisho ka dhaceen ee Soobe oo weli la baadi doonayo dadka la waayay raq iyo quux, Image Araweelo News Network, 30 Oct, 2022.

Araweelo News  Network.

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddi u magcaabay khasaarihii ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ee sababay dhimashada iyo dhaawaca.

Qaraxyda oo ahaa kuwo xooggan, ayaa ka dhacay duleedka Isgoyska Soobe ee KM5, oo ah meelaha ugu saxmada baddan Magaaladda, halkaas oo ah halbawlaha xarumaha dawladda ee sida weyn loo ilaaliyo.

Laxidhiidha: Qaraxyo Khasaare Dhaliyay Oo Meesha Ka Saaray In La Wiiqay Al-Shabaab

 

Weli waxa socda baadhitaanada maydadka la baadi doonayo dadka ku nafwaayay, kuwaas oo maanta maydadkooda laga soo gurayay, balse la rumaysan yahay in ay weli jiraan maydad kale oo ku jira dhismayaasha.

“Ra’iisal Wasaare oo soo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu kasoo gaadhay qaraxyada, wuxuu magacaabay guddi Heer Qaran ah oo ka shaqayn doona tan iyo inta laga soo gabagabaynayo hawlaha gurmadka.” Ayaa lagu yidhi, Qoraal uu soo saaray Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Farxaan Maxamed Jimcaale oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

Laxidhiidha: Saraakiil Iyo Suxuyihiin Ka Mid Ah Dadka Ku Dhintay Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay

Guddida Gurmadka ee ra’iisal wasaaruhu magcaabay oo ka kooban 10 xubnood oo isugu jira wasiirro iyo masuuliyiin kale oo xukuumaddiisa ka tirsan, waxa loo xilsaaray waajibaadka soo socda:-

  1. Hubinta iyo la socodka khasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
  2. Fidinta caawimaad degdeg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaadhay qaraxyada.
  3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
  4. Isku xidhka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
  5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Cusbitaallada Dalka.

Magacyada Guddida

  1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye
  2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin
  3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin
  4. Daa’uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Xubin
  5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin
  6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Xubin
  7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin
  8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin
  9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin
  10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xoghayn.

 

Guddidan uu Ra’iisal Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

  1. Hubinta iyo la socodka khasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.
  2. Fidinta caawimaad degdeg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaadhay qaraxyada.
  3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.
  4. Isku xidhka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka
  5. Xal u helidda iyo xoojinta adeegyada caafimaad ee Cusbitaallada Dalka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post