X

#Somalia: Dawladda Federaalka Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Xilligan Ee Heshiiskii #Somaliland Iyo #Ethiopia

#Araweelo_News_Network

 

Muqadisho (ANN)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa xilligan mar kale ka hadashay mawqifkeeda ku waajahan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee 1 jan 2024 ku dhexmaray Addis Ababa Madaxweynaha jamhuurriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Ethiopia AbayAhmed.

Heshiiska oo dhigayay in Ethiopia ay Somaliland ka hesho Bad, iydaoo dhinaca SoSomaliland ay sheegtay innay ku beddelatay Aqoonsiga ay radinaysay muddo ka baddan 32 sannadood.

Heshiiska oo kiciyay duufaan siyaasadeed isla markaana abuuray xasaasiyad si weyn looga dareemay dunida, wuxuu si weyn uga cadhaysiiyay dawladda Federaalka ee Somalia, waxayna marar hore si cad u sheegtay mawqifkeeda, iydaoo khilaaf weyn oo siyaasadeed oo dhanka dublamaasiyada ka dhex qarxay Ethiopia iyo Somalia, kaas oo gaadhay in Xukuumadda Xasan Sheekh ee Muqdisho dacwad u gudbiso Gollaha Amaanka ee JamciydaQaramada Midoobay, iydaoo dawladda Ethiopia dhankeeda Gollaha Amaanka u gudbisay qoraal ay ku difaacay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay Somaliland, kaas oo ay sheegtay inuu yahay mid ay u martay dariiqii ku haboona, Isla markaana ay la gashay sidii ku haboonayd.

Hase yeeshee mar kale ayay dawladda Federaalka ee Somalia ka hadashay mawqifkeeda Heshiiska.

Qoraal kasoo baxay dawladda Federaalka Somalia Axaddii, oo ka kooban laba bog ayaa u dhignaa sidan hoos ka muuqata.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post