X
    Categories: Warar

Somalia: Dawladda Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada Oo Bayaan Kasoo Saaray Doorashada Iyo Qorshahooda Somaliland

Madaxda Dawladda Federaalka ee Soomaaliyaiyo maamul goboleedyada oo bayaan kasoo saaray doorashada 17 September 2020, Araweelo News Network.

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)- Madaxda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo maalimihii u danbeeyay shirar uga socdeen Magaalada Muqdisho, iyadoo ay kulankaa ka qaybgaleen Madaxda Maamul goboleedya Soomaaliya.

Waxaana shirkaa oo soo dhamamaday maanta laga soo saaray go’aan lagu shaxeeyay doorashada Soomaaliya ee muranku ka taagnaa.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Ra’iisal wasaare ku xigeenka, isla markaana ah ku simaha ra’iisal wasaaraha Mahdi  Maxamed Guuleed (Khadar) iyo madaxda Maamul goboleedyda, ayaa  kulankaa kaddib soo saaray go’aan ku waajahan doorashada Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin.

 

Bayaanka kasoo baxay shirka ee arrimaha doorashada Soomaaliya oo laysla qaatay qaabka ay u dhacay, ayaa qorshaha lagu soo daray xubnaha Baarlamaanka u metelaya Somaliland iyo sida loo dooranayo.

Sidoo kale waxa bayaanka lagu sharaxay qaabka loo maamulayo hawsha doorashooyinka Soomaaliya.

Halkan Ka daawo warkaa oo dhamaystiran.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post