X

Somalia: Bulshada Rayidka Oo Bayaan Kasoo Saaray Xaaladda Dalka, Murranka Awooddaha Iyo Kiiska Ikraan Tahliil

Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Dallada Bulshada Rayidka Soomaliyeed oo ay ku midaysan yihiin qaar badan oo ka mid ah Ururada Bulshada, ayaa ka hadlay xaaladda muranka siyaasadeed ee Madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Kiiska murranka dhaliyay sarakaalada sirdoonka NISA ka tirsanayd ee la waayay geeri iyo nolol.

Bayaan ay maanta kasoo saareen kooxaha Bulshada Rayidka ah Magaaladda Muqdisho, waxay ku sheegeen in ay aad uga xunyihiin isafgarad la’aanta madaxda dalka iyo khilaafka awooddaha sharciga dawladadeed ee soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Hoggaanka Bulshada Rayidka ah ee Somalia, Image Araweelo News Network. 14 Sep 2021, Muqdisho Somalia.

Sidaa awgeed, waxay bayaankooda ku sheegeen khilaafka madaxda ee xilligan uu niyad jab weyn ku yahay Dadka Soomaaliyeed oo filayay in ay dalka ka dhacdo doorasho nabad ah oo isbedel leh.

Ikran Tahliil Image file Araweelo News Network.

Bayaanka ay saareen waxay ku baaqeen in aan kiiska Ikraan Tahliil aan la siyaasadayn, isla markaana loo madax bannaaneeyo maxkamadda gacanta ku haysa kiiskan. Sidoo kale waxay soo jeediyeen in aan la joojin wada hadaladii u dhexeeyay Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, isla markaana meesha laga saaro khilaafka siyaasadeed ee la xidhiidha awooddaha sharciga oo dalka aan laga jihayn doorashadii loo balansanaa ee laga sugayay.

 

 

 

Qoralkaa Bayaanka halkan hoose ka akhriso:

Bayaanka Bulshada Rayidka ah ee Somalia Araweelo News network. 14 Sep 2021.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post