X
    Categories: Warar

Somalia: Booqashada Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Turkiga Ee Muqdisho Iyo Balanqaadka Dawladdiisa

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar 7 Nov, 2018

 

Muqdisho,(ANN)- Wefti ka socda Dawladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga dalkaa Hulusi Akar ayaa shalay booqday Magaalada Muqdisho ee xarunta dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdiga Dowladda Turkiga oo ujeedada safarkooda lagu sheegay sidii dowladda Turkigu u sii dardargelin lahayd taageerada ay u fidiso Soomaaliya iyo inay qiimeeyaan siyaabaha ay ku sii horumarin karaan taageerada Ciidamada Qalabka ee dhinacyada tabobarka iyo qalabaynta iyo sidoo kale sidii loo dardargelin lahaa dhisidda iyo kobcinta qaybaha kala duwan ee Ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Dhulka, Cirka iyo Badda.Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kooban oo kasoo baxay kulankaa kadib oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar iyo wefdiga la socday ee Muqdisho gaadhay 7 Nov, 2018

Wefdiga ka socday Dawladda Turkiga ee uu hoggaamaaniyay Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, waxa xubno ka ahaa Taliyaha Ciidamadda Turkiga, Saraakiil sare oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Turkiga iyo Madaxa Hay’adda TIKA ee qaabbilsan arrimaha Horumarinta iyo Iskaashiga. Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeedkaa oo lagu xusay in Madaxweyne Farmaajo uga mahad celiyay booqashada wefdiga iyo taageerada dawladda Turkiga ee Soomaaliya.

Dhinaca kale warar laga soo xigtay ila wareedyo la xidhiidha booqashada wefdiga Turkiga ee uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga dalkaa Hulusi Akar, ayaa sheegaya in Dawladda Turkiga oo taageero dhaqaale iyo mid Milateri siisa dawladda Soomaaliya, isla markaana mashaariic dhinaca horrumarinta ah ka wada Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay xiligan qorashaynay in si dhab ah loo dhiso Ciidamadda Badda iyo Cirka, iyadoo horre tababaro iyo qalabayn dhinaca saanada Milateri ah ugu waday ciidamadda Soomaaliya, isla markaana xiligan dawladda Turkiga iyo Dawladda Qadar ay doonayaan in Maraakiib iyo Diyaarado la siiyo la siiyo marka la dhiso labada ciidan ee Badda iyo Cirka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post