X

Somalia: Al-shabaab Oo Sheegatay Weerar Khasaare Dhaliyay Iyo Maydadka Dad Shacab Ah

Maydadka lagu soo bandhigay Hiiraan ee dadka shacabka ee la laayay oo lagu eeddeeyay Al-shabaab, Image 3 Sep, 2022, Araweelo News Network.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, oo la gubo gaadiidkooda ” Ra’iisal Wasaare Xamse Barre

Araweelo News Network.

Beledweyn(ANN)-Xarakada Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar lagu laayay dad shacab ah deegaanka u dhexeeya Magaalada Beledwayne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Tirada dadkaa ayaa lagusoo waramayaa in ay gaadhay ku dhowaad 30 dhimasho ah, halka tiro intaa ka baddan oo dhaawacyo soo gaadheen loola cararay Cusbitaalka  Beledweyn.

Al-shabaab ayaa sheegay weerarka lagu laayay dadkaa, iyagoo ku tilmaamay in dadka ay dileen ahaayeen kuwo ka tirsan Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiislayda ee dagaalka kula jiray.

Qoraal lagu daabacay Warbaahinta inta baddan baahisa wararka xarakada Al shabaab, ayaa lagu  xaqiijiyay in dadkaasi ahaayeen 20 ka mid ah maleeshiyadii Macawislayda iyo xubnihii gurmadka u waday, kuwaas oo Al-shabaab sheegtay in isla goobta lagu dilay.

Sidoo kale, bayaanka Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in goobta la gubay 8 ka mid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamadooda hawlgalka fuliyay.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya deegaanka, ayaa sheegaya in tirada dadka ku dhintay weerarka Al-shabaab, ka baddan yihiin inta ay sheegtay xarakadu, iyadoo wararkaasi sheegayaan in tirada dhimashada dadka lala laayay ay gaadhay in ka baddan 30 qof, halka dhaawacuna yahay tiro intaa ka baddan oo la geeyay cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa si kulul ugu eeddaysay Al-shabaab weerarka oo sheegeen in ay dad shacab ah ku xasuuqeen.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamse Cabdi Barre, ayaa canbaareeyay weerarka dadka shacabka lagu qaaday, isagoo dusha u saaray Al-shabaab, isla markaana wuxuu xusay in Al-shabaab ku gubeen 7 gaadhi iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, isla markaana la gubo gaadiidkooda oo dab la qabadsiiyo hantidoodii waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Al-Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yidhi, Ra’iisal Wasaare Barre, wuxuuna ka tacsiyeeyay eheladii iyo qoysaskii dadkooda la laayay.

Muuqaalo sawirro laga soo qaaday goobta, ayaa muujinaya tiro maydad ah oo is dhinac yaal, kuwaasi oo saxaafada loo soo bandhigay, iyadoo xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya sheegtay in ay yihiin dad shacab ah oo ka yimi Beledweyne, kuwaas ahaa dadkii Al-shabaab ku dileen weerarka.

Dagaalo ayaa maalmahan ka socday deegaanka Hiiraan iyo deegaamo kale oo ku dhow, waxayna dagaaladu u dhexeeyeen xarakada Al-shabaab iyo ciidanka Macawislayda ee deegaanka oo taageero ka helaya ciidamada dawladda Federaalka.

 Saraakiisha ciidamada dawladda ee ku sugan gobolka, ayaa ku amaanay sida ay ciidanka Macawislayda ee deegaanku uga saareen Al-shabaab meelo baddan oo ka mid ah deegaanka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post