X
    Categories: Warar

Somalia: Al-shabaab Oo Faggaare Ka Fuliyay Dilal Shaqsiyaad Lagu Eeddeeyay Denbiyo Kala Duwan

Araweelo News Network


Bu’aale(ANN)-Al-shabaab ayaa xukuno dilal ah ku fulisay saddex qof oo lagu eeddeeyay denbiyo kala duwan Magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.
Maxkamadda Islaamiga Jubbooyinka, ayaa fulisay xukunkaa kaddib markii sida ay sheegtay lagu helay dadkaa dambiyo. Sidaana lagu toogtay sadexdaa qof Fagaara dadweynuhu goob jog ka ahaayeen oo ku yaal magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe maanta gelinkii dambe.

Qaaddiga Maxkamadda islaamiga ee Jubbooyinka ayaa fagaraaha xukunnada dilalka ah ka dhacayeen ka akhriyay dambiyada lagu helay ragga la toogtay oo laba kamid ahaa lagu eeddeeyay dhaqanxumo iyo ficiladii lagu rogay reer Qowmu-Luud, halka qofka kale lagu eedeeyay inuu ahaa Jaajuus.

Qaaddiga, ayaa markii uu xukunka ku dhawaaqayay sheegay in eeddaysanayaasha kala ah, Isxaaq Abshiroow oo 20 jir iyo Cabdirisaaq Sheekh Cali oo 15 Jir ah ay ciidamada Xisbada oo ka mid ah ciidamada Al-shaabab gacanta kusoo dhigeen iyagoo isku sameynaya Ficilkii Qowmu-luudka lagu yaqiinay ee fawaaxishka ah.

Eeddaysanaha sadexaad oo ahaa Saciid Maxamed Cali, wuxuu sheegay Qaaddigu inuu kamid ahaa Jaajuusiinta ciidamada Ethiopia ay tababareen, isla markaana ninkaa oo uu sheegay in lagusoo qabtay howlgal ka dhacay duleedka degmada Baardheere, isagoo ka tagay magaalada Kismaayo.

Sidaaa awgeed, wuxuu sheegay qadigu in maxkamadda islaamiga ah ay qaadday dacwada eeddaysanayaasha kaddibna ku xukuntay waxa ay shareecada islaamka ka mutaysteen sida uu Fagaaraha toogashadu ka dhacday ka sheegay qaaddiga guud ee maxkamadda.

Al-shabaab, ayaa maamulka gobolka Jubbada dhexe la wareegtay sanadkii 2008, waana markii u horaysay ee ay xukuno sidan oo kale ah ka fuliso Bu’aale sided sanadood oo ay ka talinaysay deegaankaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post