X

Solja Oo Si Adag U Canbaaraysay Suxufiyiinta Xidhan Oo Loo Diiday Daryeel Caafimaad

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa si adag u canbaareeyay xadhiga koox suxufiyiin ah oo maalintii Afraad ku jira Xabsiga, kuwaas oo qaarkood dhaawacyo soo gaadheen markii la xidhayay, isla markaana aan helin daryeel caafimaad.

Qaar ka mid ah Suxufiyiinta xabsiga loo taxaabay ee Somaliland, 13 April 2022, Image Araweelo News Network.

Kooxda Suxufiyiinta ah oo 15 weriye ah, waxay xukuumaddu Sabtidii Makamadda uga qaadatay rumaan muddo shan maalmood ah si xabsiga loogu sii hayo.

Waxaana xaaladda xadhigooda markii labaad maanta ka hadlay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo si adag u canbaareeyay xadhigaa.

Guddoomiyaha Guddida Difaaca ee SOLJA, Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo warbaahinta la hadlay saaka ayaa sheegay in SOLJA ay canbaaraynay xadhiga weriyayaasha.

Cabdifaraax Mursal, waxa uu sheegay in tirada suxufiyiinta xidhan qaarkood dhaawacyo gaadheen, halka mid ka mid ah uu xannuunsanayo, balse loo diiday xaqii ay u lahaayeen in la daryeelo xaaladdooda caafimaad.

“Weriyayaasha qaabka loo qabtay waanu canbaaraynaynaa, iyadoo aan qaarkood xilligaa ku jirrin wax hawlgal ah, qaarna tacadiyo qabaan, waana canbaaraynaynaa nasiibdarada in maanta oo soddon jirsatay tacadiyadaasi dhacaan.”ayuu yidhi.

Muuqaalkan Ka Daawo SOLJA oo Ka Hadlay Suxufiyiinta Xidhan.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post